Madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed oo kala hadlay Madaxda Itoobiya sidii ay xukuumaddiisa gacan u siin lahayd

Khamiis, April 01, 2010 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Addis Ababa kaga hadlay xiriirka labada dal u dhexeeyay.

Shirkaas kaddib ayaa waxaa saxafiyiinta la hadlay Madaxweyne Sheekh Shariif isagoo sheegay inuu kala hadlay madaxda dalka Itoobiya xiriirka labada dal u dhexeeya ayna qayb uga qaadan lahaayeen soo celinta amaanka Soomaaliya.

"Waxyaabihii ugu badnaa ee aan kala hadlay Madaxda Itoobiya waxay ahaayeen sidii ay qayb libaax uga qaadan lahaayeen soo celinta ammaanka iyo daganaashaha Soomaaliya oo burbur ku jiray sannado badan" ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Itoobiya ay u ballaqaaday inay gacan ka geysanayso sidii ammaanka dalka Soomaaliya loo soo clein lahaa, iyadoo kulankaas ay ka qaybgaleen saraakiil ka tirrsan labada dal.

Sheekh Shariif ayaa horay kulan ula qaatay Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi kaasoo ay uga hadleen sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dib u soo celinta ammaanka dalka Soomaaliya iyo dagaalka kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Itoobiya ayaa waxay ciidamadeeda kala baxday Soomaaliya 2009, kaddib laba sano oo faragelin ciidan ah, waana markii ugu horreysay oo ay Madaxda Soomaaliya kala hadasho sidii ay gacan uga geysan lahayd soo celinta xasilinta iyo daganaashaha dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya