Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo maanta shaaciyay in fadhiyada baarlamaanku ay dib u furmi doonaan todobaadka soo socda

Khamiis, April 01, 2010 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa maanta shaaca ka qaaday in kal-fadhiyada baarlamaanka Soomaaliy ay furmi doonaan 6-da bishan April.

Shir jaraa'id oo uu qabtay guddoomiye ku xigeenka kaddib kulan ay ku yeesheen guddi hoosaadyada baarlamaanka xarunta Madaxtooyada ayuu sheegay in gabi ahaan xildhibaannada maqan ay siiyeen tigidhadii ay dalka ku imaan lahaayeen.

"Kalfdhiyada baarlamaanka waxay dib u furmi doonaan todobaadka 6-da bishan oo ku beegan Talaadada soo socota, wuxuuna ka furmi doonaa dhismaha Golaha Shacabka" ayuu yiri Prof. Dalxa oo sheegay in kalfadhigaas looga doodi doono ajanadayaal dhowr ah.

Wuxuu sheegay in xildhibaannada ku maqan dalka dibaddiisa ay horay u siiyeen tigidho ay dib ugu soo laabtaan, balse aysan garanayn sababta keentay inay weli ku sugnaadaan Magaalada Nairobi.
"Xildhibaan kasta oo ka maqan Muqdisho waxaan siinay Tigidh uu kusoo laaban karo, kuwa aan haysanna waxaan u sheegnay inay kasoo qaataan xafiiska UNPOS ee Nairobi" ayuu mar kale yiri guddoomiye ku
xigeenka Baarlamaanka.

Ugu dambeyn Prof. Dalxa ma uusan sheegin tallaabada ay qaadanayaan haddii ay kusoo laaban waayaan Muqdisho xildhibaannada maqan, wuxuuna sheegay in lagu wado in fadhiga furmaya toddobaadka soo socda uu guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya