Xildhibaanno cambaareeyay warqad uu Ra'iisul wasaare sharma'arke u qortay beesha caalamka

Sabti, September 11, 2010 (HOL) − Xildhibaanno maanta ku kulmay Muqdisho ayaa cambaareeyay warqad uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke u diray beesha calaamka, taasoo ay sheegeen inuu kaga codsaday in la qabto shir dib u heshiisiineed, lana ansixiyo dastuurka cusub.

Mudanayaasha kulanka yeeshay oo tiradoodu gaaraysay 170-xubnood ayaa xiriir dhow la leh Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna sidoo kale aad uga soo horjeesteen dastuurka cusub.

"Ra'iisul wasaaraha warqaddiisa wuxuu ku qoray in la qabto shir dib u heshiisiineed oo ballaaran, sidoo kalena, wuxuu ka dalbaday beesha caalamka in 3,000-qof oo Soomaali ah ay ansixiyaan dastuurka cusub inta aan shirweynaha la qaban," ayay xildhibaannadan sheegeen.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Saciid oo horay u ahaa wasiirkii Dalxiiska Soomaaliya oo ku hadlay afka mudanayaasha maanta kulanka yeeshay ayaa sheegay in warqaddii uu diray Sharma'arke ay ahayd mid sharcidarro ah.

"Dastuurku waa xeer uu dalka ku dhaqmayo, mana dajin karto cid aan ahayn golaha shacabka, waayo isaga ayaa ah xeer dajinayaha koowaad ee dalka, xukuumadduna way ku qaldan tahay inay u raadiso kalsooni dastuur aan sharciga waafaqsanayn," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Xuseen.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu ku sheegay shirka jaraa'id ee uu qabtay in dalka aan looga saari karin dastuur la dajiyay KMG-nimada, balse uu uga bixi karo afti laga qaado dadka, taasoo ay kusoo doortaan dowlad cusub.

Dastuurka qabyada ah ee ay soo bandhigtay DKMG ah ayaa wuxuu dhaliyay khilaaf xooggan oo u dhexeeya madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweynaah iyo ra'iisul wasaaraha, iyadoo xildhibaannada baarlamaankuna ay labada mas'uul la kala safteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya