Sabti, September 11, 2010 (HOL) -Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo ka qayb-galay salaaddii Ciidda ee shalay ayaa sheegay in Puntland ay ku soo wajahantahay khatar dhanka amniga ah ,loona baahanyahay in laga hortago.
"Waxaa jira dad si khaas lah loogu soo tababaray in amniga Puntland ay khal khal galiyaan oo ku sugan gobolkeena waana iska qabanaynaa" ayuu yiri Madaxwayne ku xigeenka oo dadka Bosaso Salaadii ciida la tukaday.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa tilmaamay in dowlada ay guulo badan ka gaartay dagaaladii Gal-Gala ka dhacay ,isla markaana la balaarin doono wax ka qabashada xaaladaha jira.
"Dadka Puntland waa in ay u istaagaan ilaashiga nabadgalyadooda iyo ganacsigooda " ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxwaynaha salaadii ka dib.
Dhinaca kale wasiirka amniga Yuusuf Axmed Khayr ayaa sheegay in ay jiraan dad u dhashay deegaanka oo ka shaqeeya amni xumada gobolka habeenadan danbe,isla markaana dabagal lagu hayo.
Masuuliyiintii kala duwanaa ee ka soo qayb galay munaasabadii ciida ayaa hadaladooda ,waxa ay xooga ku saarayeen ilaalinta amniga ,iyadoo Bosaso ay ka socdaan dilal qorshaysan oo aan la ogayn cida fulinaysa.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Boosasso,Soomaaliya