
Sabti, September 11, 2010 (HOL) - Xaflada heer-sare ah oo ay shirkada Hormuud xarunteeda Kismaayo ku qabatay Hotel Hareed ee Magaalada Kismayo Jimcihii shalay ayay kusoo bandhigtay adeegyada ay shirkada u qabato shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Jubooyinka.
Maamulaha guud ee shirkada Hormuud Kismaayo C/llaahi Xaashi oo halkaasi kasoo jeediyay qudbad ku saabsan waxqabadka shirkada Hormuud ayaa ballan-qaaday inay shirkadu dhawaan soo wado adeega GPRS ee loo isticmaalo Internetka kaasoo uu sheegay in ay diyaariyeen dhawaanna ay filayaan in ay fasaxaan isticmaalkiisa.
Goobta ay xaflada ka dhaceysay ayaa waxa ku sugnaa qeybaha kala duwan ee bulshada sida, Ganacsatada, Madaxda waxbarashada, Odoyaal dhaqameedyo iyo masuuliyiin ka socday wilaayada islaamiga ah ee Degmada Kismaayo.
Sheekh Axmed Sheekh Cali (Axmed Waawareey) oo ku hadlayay culumaa’udiinka degmada Kismaayo ayaa ku dheeraaday waxtarka adeega Zaad ee shirkada Hormuud, kaa oo uu ku amaanay in uu fududeeyay howlo badan oo dhib loo mari jiray.
Ugu danbeyntii waxaa halkaasi ka hadlay ganacsato, odoyaal dhaqameedyo iyo Masuuliyiinta katirsan wilaayada islaamiga ah ee degmada Kismaayo, waxaana ay dhamaantoodba ay siweyn u amaaneen adeega shirkada hormuud ay u fuliso shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya