|
|
Wiilasha dhintay ayaa lagu kala magacaabi jiray: Maxamed Abshir Cumar (Casaawe) iyo Yuusuf Ducaale, kuwaasoo la sheegay inay ku dabaalanayeen xeebta iyadoo si lama filaan ah ay baddu u qaadday.
"Maydka Maxamed Casaawe, waxaa soo sheegay nin xeebta u joogay jimicsi ahaan, wuxuuna wargeliyay booliiska, iyadoo maydkiisa la dhigay Isbitaalka Suldaan Qaabuus, waxaana lagu lagu aasay magaalada," ayuu yiri Ibraahim Siciid Saalax Cali oo HOL kala soo xiriiray dalka Cummaan.
Goobjoogahan ayaa sidoo sheegay in maydka ruuxa kale oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Ducaale weli la la'yahay, iyadoo ehelladiisa iyo booliiskuba ay ka raadinayaan degmada Salalah oo ku taalla dalkaas.
Dalka Cummaan oo ay ku nool yihiin Soomaali gaaraysa 1,500-qof ayaa xilliyada ciidaha waxay isugu yimaadaan goobo gaar ah, sida xeebaha, beeraha waaweyn ee lagu raaxeysto iyo goobo lagu ciyaaro kubadda, si ay u kala warqaataan, waxaana tani ay qayb ka tahay dhibaatooyinka dhallinyarada kasoo gaara xeebaha ay ku dabaashaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaailya
