Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan oo cambaareeyay baadarigii sheegay inuu gubayo Qur'aanka

Sabti, September 11, 2010 (HOL) - Dowladda Soomaaliya, Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa si wadajir ah u cambaareeyay go'aanka baadari u dhashay dalka Mareykanka oo dhawaan sheegay inuu gubayo Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay shalay goob lagu tukaday salaadda Ciiddul-fidriga ayaa sheegay in go'aanka baadarigaas uusan isaga ku sinnayn, balse uu yahay mid ka tarjumaya cadownimada loo qabo Islaamka.

"Walaalayaal waxaad arkaysaa in cadaawadda loo qabo Islaamka ay tahay mid guud, waxaase guul ah in Obama uu sheegay in haddii la gubo Kitaabka ay askartooda dhammaanayso," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Wuxuu Afhayeenku intaas ku daray in cabsidaas aysan ahayn mid lagu keenay wadahadal iyo dhaqaale midna, balse ay ku timid jihaadka ka socda calaamka, isagoo sheegay in jihaadku uu soconayo.

Sidoo kale, warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta Inj. C/raxmaan Yariisow ayaa lagu sheegay in go'aankaas uu yahay mid cadownimo ah oo looga horjeedo Islaamka, iyagoo ku baaqay in la joojiyo.

"Caalamka uma baahna, xagjinimo diimeed, xagjirnimadu waxay abuuraysaa xajirnimo, caalamku wuxuu dagaal kula jiraan kooxda Al-Qaacida iyo unugyadeeda, sidaa daraadeed looma baahna in xaalad kale oo dhib ah la abuuro," ayuu yiri Ing. Yariisow.

Dhanka kale, Hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir ayaa isaguna cambaareyn kulul u soo jeediyay go'aankan, isagoo ka codsaday dunida Muslimka inay u midoobaan ka hortagga ficilkaas iyo kuwa la midka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya