Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaailya

Sabti, September 11, 2010 (HOL) − Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan dowladda Soomaailya ayaa lagu dilay qarax maanta ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir kaasoo lala beegsaday gaari ay wateen ciidanka DKMG ah.

Qaraxan oo ahaa miino jidka lagu aasay ayaa burburisay baabuurkii ay haleeshay, waxaana goobjooge ku sugnaa halka u qaraxu ka dhacay u sheegay HOL inuu arkay dhimashada afar askari iyo qof rayid ah.

"Baabuurka ay askarta dowladdu wateen waxaa lagu qarxiyay albaabka hore ee masaajidka Cali-boolaay ee degmada Waaberi, halkaasoo ay maalmahan marayeen gaadiidka dadweynaha, waxaana burburay gaariga oo dhan," ayuu ruux goobjooge ah u sheegay saxaafadda.

Sidoo kale, waxaa ku dhaawacmay qaraxaas hal askari iyo laba qof oo shacab ah, iyadoo goobta ay isku gadaameen ciidammo ka tirsan dowladda, kuwaasoo rasaas ku faray dadkii halkaas ku sugnaa, taasoo aan la sheegin khasaare ka dhashay.

Maydadka askarta iyo dhaawacooda ayaa goobta laga qaaday, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreeyay oo degmada Waaberi qarax lagula beegsado askar ka tirsan ciidanka Dowladda Soomaailya.

Weerarkan ayaanay jirin cid loo qabtay iyo cid sheegatay, waxaana bilo ka hor lagu dilay qarax ka dhacay degmada Xamarjajab lagu dilay guddoomiyihii degmadaas Axmed Sheekh Maxamuud (Qoor-leex), kaasoo dilkiisa ay sheegatay Xarrakatul Shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaailya