Sabti, September 11, 2010 (HOL) - Dowlada Soomaaliya ayaa hadal ay soo saartay ku sheegtay in sarkaal ka tirsan Xarrakatul Shabaab uu ku dhintay dagaalladii ugu dambeeyay ee ku dhexmaray Muqdisho, kuwaasoo ay Xarrakatul Shabaab iclaamisay.
Sarkaalka oo 35-jir ahaa laguna magacaabi jiray Daahir Gurey Sheekh Cali Guuleed oo loogu yeeri jiray (Dahir Gurey) ayay dowladda Soomaaliya sheegtay inuu haysto dhalashada dalka Marekanka, wuxuuna ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha dagaallada Muqdisho ka socda.
"Waxaan aad uga xunnahay habqanka jihaad-doonka Soomaaliya uga imaanaya caalamka, habka keliya ee lagu joojin karana waa, in la sameeyo machadyo lagu baro nabadda iyo isku-tiirsanaanta waddanka," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow).
Ing. C/raxmaan Yariisow, wuxuu sheegay in dowladda KMG ah ay mar kale u dirayso beesha calaamka dalabkeedii ahaa in la taageero dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo u taagan sida uu yiri dhameynta dagaallada ay waddo Xarrakatul Shabaab.
Xarrakatul Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarradii 11 July lagu qaaday magaalada Kampala ee dalka Uganda oo lagu dilay 76-qof, weerarkii Hotel Muna oo isna lagu dilay 33-qof, iyo weerarkii ugu dambeeyay ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.
"Hadda dhibaatada taagan waa mid cad, waa dhibaato caalami ah, taasoo calaamku uu xalkeeda raadinayo," ayuu ku yiri Inj. C/raxmaan Yariisow war-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ee uu isagu ku saxiixan yahay.
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxay dagaallo kula jiraan dowladda KMG ah, iyadoo dagaalladii ugu dambeeyay oo socda muddo saddex todobaad ah la sheegay inay ku dhinteen 230-qof, ayna ku dhaawacmeen 400 oo qof.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya