Dagaallo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac gaartay dadka shacabka ah

Khamiis, October 07, 2010 (HOL) ­ Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 13-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaallo maanta ku dhexmaray Muqdisho ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo kaashanaysa Xisbul Islaam.

“Dhaawacyada aan maanta qaadnay waxay gaarayaan 13-qof oo isugu jira qaybaha bulshada, waxaana ka qaadnay xaafado kala duwan oo Muqdisho ku yaalla, qaarkoodna waxay qaabeen dhaawacyo culus,” ayuu yiri Cali Muuse Sheekh oo ah madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho ka shaqeeya u sheegay saxaafadda Muqdisho.

Cali Muuse, wuxuu sheegay in dhaawacyada ay gaarsiiyeen isbitaalka Dayniile, halkasoo ay maamusho hay’adda MSF, waxaana warbixin ay haya’ddan soo saartay maanta ku sheegtay, in dhaawacyo badan oo kala duwan ay sababeen colaadaha ka socda Muqdisho.

Dagaallada maanta ayaa waxay ka dhaceen goobihii ay shantii maalmood oo hore ka dhacayeen, gaar ahaan degmada Hodan, waxaana dagaalkan uu salka ku hayaa gacan ku haynta Isbitaalka Xoogga oo ay saldhig ka sameysteen ciidammada AMISOM.

Dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyo ayaan ka hadlin dagaalkii maanta dhacay, waxaana duqeymo culus oo barbar socday dagaalka oo intooda ka imaanaya saldhigyada AMISOM ay ku dhaceen degmooyin dhowr ah oo Muqdisho ku yaalla, gaar ahaan suuqa Bakaaraha.

Saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ayaa waxay horay uga sheegteen dagaallada socda guulo, iyadoo xoogaga hubeysan ay beeniyeen wararkaas, waxaana dagaalladaas ay sameeyn ku yeesheen deegaanno horay uga nabdoonaa dagaallada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya