Khamiis, October 07, 2010 (HOL) − Hay'adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman, ayaa warbixin kasoo saartay khasaaraha dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in dagaalladaas ay ku qasbeen qoysas badan inay guryahooda ka cararaan.
"Tirada aan hayno waa mid aan si rasmi ah loosoo gabgabeyn, maadaama ay weli socdaan dagaallada, balse dhowrkii casho ee ay dagaalladu socdeen 50-qof in ka badan ayaa dhintay, waxaana ku dhaawacmay 174-qof," ayuu warbaahinta u sheegay guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha hay'adda Elman Cali Sheekh Yaasiin [Fadhaa] oo saxaafadda la hadlay.
Cali Fadhaa, wuxuu sheegay in dagaalladaas ay ku qasbeen qoysas badan oo ku noolaa goobaha lagu dagaalamayo inay ka barakacaan, goobahaasoo uu sheegay inay ahaayeen kuwo nabdoon oo ay qoysas badan ku noolaayeen.
"Dagaallada socda ma ahan kuwo guulo laga gaarayo, in khasaaraha shacbka ay kordhaan maahane, waxaana ugu baaqaynaa dhinacyada ay colaaddu u dhexeyso inay xabbadda joojiyaan, ayna tanaasul sameeyaan," ayuu yiri Cali Fadhaa.
Guddoomiyaha KMG ah ee haya'dda Elman, wuxuu ugu baaqay hay'adaha gargaarka inay gargaar u fidiyaan dadka ku dhibaateysan gudaha Muqdisho, maadaama laga joojiyay inay ka shaqeeyaan goobaha lagu barakacay ee duleedyada caasimadda.
Dhanka kale, hadalka mas'uulkan, ayaa imaanaya iyadoo saakay uu degmada Hodan ee Muqdisho ka dhacay dagaal socday Nus-saac, kaasoo u dhexeeyay ciidammada AMISOM, kuwa dowladda iyo xoogagga kasoo horjeeda, balse aan khasaarihiisa la ogeyn.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya