Khamiis, October 07, 2010 (HOL) − Siyaasiga C/nuur Axmed Darmaan oo sheegta inuu yahay Madaxweyaha Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday inuu dacwad ka dhan ah ciidammada AMISOM u gudbiyay beesha caalamka.
"Waxaan dacwad ku saabsan dhibaatada ay ciidammada AMISOM ku hayaan dadka Soomaaliyeed u gudbiyay beesha caalamka," ayuu Darmaan u sheegay wareysi uu siiyay Radio Shabelle oo xaruntiisu tahay Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Zurich ee dalka Switzerland.
Mr. Darmaan, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka meermeerayso inay ka hadasho duqeymaha lagu xasuuqo maalin walba shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in AMISOM ay maalin walba duqeymo deegaannada ay dadku ku badan yihiin.
"Ciidammada AMISOM, waxay doonayaan inay ka geystaan Soomaaliya mid la mid ah dhibaatooyinkii ay ka geysteen dalka Congo, halkaasoo ay ku kufsadeen haween badan, hanti badanna ay ku dhaceen," ayuu yiri Darmaan.
Mas'uulkan oo weli rumeysan inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in dalka Uganda iyo Burundi oo ay ciidammada AMISOM ka socdaan, ay kufsi kaga dhaleen haweenka Congo 26,000 oo cunug.
"Haddii dagaalka ku qasbay AMISOM inay ku jiraan xeryahooda aysan jiri lahayn, waxaa imaan lahayd inay kufsadaan gabadhaha Somaaliyeed, hantida dalkana ay dhacaan," ayuu yiri Darmaan oo sheegay inuu taageersan yahay dagaalka lagula jiro AMISOM.
Ciidammada AMISOM, oo tiradoodu tahay 7,200-askari, kana socda dalalka Uganda iyo Burundi ayaa waxay ka howlgalaan Muqdisho, iyagoo ilaalo xooggan ka haya xarumaha muhimka ah sida, Dekedda, Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada.
Mudane C/nuur Darmaan, ayaa 26-kii May ee sannadkan, wuxuu sheegay inuu heshiis la galay hay'ad dhinaca ammaanka ka shaqeysa oo Jarmal ah, taasoo uu sheegay inay ciidammo ugu tababarayso gudaha dalka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya