Burcadbadeed Soomaali ah oo ku hanjabay inay iibsan doonaan xubno badmaaxiin ah oo ay afduub ku haystaan

Khamiis, October 07, 2010 (HOL) − Burcadbdeed Soomaali ah ayaa Arbacadii shalay sheegay inay dili doonaan, ayna iibsan doonaan xubnaha muhimka ah 22-badmaax oo ay afduub ahaan u haystaan tan iyo bishii Maarso ee sannadkan, haddii aan madaxfurashadii aysan ku helin madaxfurashadii ay dalbadeen muddo gaaban.

Waraabinta ayaa warkan ku heshay farriin qoraalleed uu soo diray mid ka mid ah badmaaxiinta afduubka lagu haysto. Qoraalka ayuu ku sheegay ruuxa soo diray in burcadbadeedda haysta ay ugu hanjabeen inay dili doonaan ayna kala bixi doonaan indhaha iyo kilyaha, si ay u iibsadaan, haddii si dhaqso ah aan lagu bixin lacgta ay dalbadeen.

"Xubnaha muhimka ah ayaa kala baxaynaa badmaaxiinta aan haysanno, waayo waxaan ku helaynaa lacag ka badan midda aan madaxfurasho ahaanta u codsanay," ayuu yiri mid ka mid ah madaxda burcadbadeedda haysta badmaaxiinta.

Shaqaalaha bad-maaxiinta ah ee dilka loogu hanjabay ayaa waxay kala yihiin: lix u dhashay Hindiya, Sagaal u dhashay Yemen, Afar Gaanays ah, Laba Sudanays ah iyo qof u dhashay Filibiin.

Bishii Maarso 29-keedii sanadkan, ayay kooxahan burcadbadeedda ah ku afduubeen shaqaalaha markabkii ay la socdeen oo lagu magaacabo MV Iceberg 1, kaasoo sitay calanka dalka Panama, waxayna ku weerareen meel 10-mayl ka baxsan marin biyoodka gacanka Cadan.

Markabkan, ayaa sida xamuul isku dhaf ah, oo ay ku jiraan qalabka matoorrada, wuxuuna kaso furtay dekedda Jebel Cali ee dalka Imaaraadka Carabta.

Burcadbadeedda ayaa si isdaba-joog ah u dalbaday madaxfurasho, balse dowladda Filibiin ayaa diiday inay wadahadallo la gasho, maadaama ay siyaasadeeddu qayb ka ahay inay madaxfurasho ka bixiso shaqaalaheeda afduubka lagu qabsado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya