Museveni, ayaa hadalkan u sheegay warbaahinta, kaddib afar saacadood qaatay oo uu la yeeshay xubnaha golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay oo booqasho maalin ah ku tagay dalka Uganda.
"Xubnaha golaha ammaanka, waxay igala hadleen qorshayaal badan oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya," ayuu Museveni, u sheegay warbaahinta kadidb shir jaraa'id oo uu ku qabtay madaxtooyada dalkiisa, isagoo intaas ku daray inaysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxay kulankooda.
Hoggaamiyaha Uganda, ayaa horay ugu baaqay calaamka iyo dalalka gobolka inay gacan ka geystaan sidii lagu xasilin lahaa dalka Soomaaliya, si aysan dalka u qabsan kooxaha dagaalka kula jira dowladda ay Qarammada Midoobay taageerto.
Xarrakatul Shabaab, oo ah kooxda uu ka digay Museveni ayaa waxay sheegatay mas'uuliyadda qaraxyo lagu dilay ku dhawaad 80-qof oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda 11-kii July sannadkan.
Ururka Midowga Afrika iyo IGAD, ayaa iyaguna horay u shaaciyay inay ciidammada ku sugan Soomaaliya tiradooda gaarsiin doonaan 20,000 askari, si ay dib ugu soo celiyaan ammaanka Soomaaliya kaddib 20-sano oo dagaallo ah.
"Waxaan leenahay waaya-aragnimo, dhaqan iyo awood, inaan nabadda soo celinno, balse waxaan u baahannahay waa inaan helno dhaqaale, waayo dalka aan nabadda kusoo celinayo xuduud ma lihin," ayuu Museveni yiri, isagoo intaas raaciyay: "Taasi waa sababta aan beesha caalamka uga dalbanayno inay bixiso lacag."
Dhanka kale, Madaxweyaha Uganda, ayaa codsaday in la xannibo dekedaha iyo garoomaha ku yaalla gobollada ay ka taliso Xarrakatul Shabaab, si looga hortago inay helaan qalab, dhaqaale iyo ciidammo ay ku xoojiyaan dagaallada ay kula jiraan dowladda KMG ah iyo AMISOM.
Dalka Uganda, ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidammada ugu badan ee nabad ilaalinta ah, kuwaasoo ku shaqeeya magaca AMISOM, waxaana Museveni uu sheegay in mar walba oo dhaqaale ay helaan ay kordhin doonaan tirada ciidankaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya