Madaxwaynaha Puntland oo Sanca Kula kulmay Wasiirro ka Tirsan Dowladda Yemen

Khamiis, October 07, 2010 (HOL) − Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroolle ayaa magaalada Sanca kula kulmay shalay galinkii danbe wasiirka Kaluumaysiga Yemen Maxamed Shamlaan,waxaana ay isla soo qaadeen hormarinta xiriirka labada dhinac.

Waxaa kulankaasi uu madaxwaynaha kaga codsaday dowlada Yemen in kaluumaysatada Puntland laga taageero xaga Kallumaysiga iyo maraakiibta jariifka oo ay dhibaatoyin badan kala kulmeen baryahan danbe.

Wasiirka kaluumaysiga Yemen Maxamed Shamlaan ayaa balan qaaday in Puntland ay ka taageeri doonaan dhinacyo badan si loo hormariyo xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale kulanka waxaa lagu soo hadal qaaday tahriibka iyo burcad badeeda oo samayn ku yeeshay dhinacyda Puntland iyo Yemen ,waxaana madaxwaynaha uu sheegay in uu socdo qorshe looga hortagayo tahriibka.

Dhinaca kale madaxwaynaha ayaa la kulmay wasiirka warfaafinta ee wadankaasi Xussein Al-Lawzi ,waxaana uu kulankooda uu ahaa mid qaatay waqti kooban ,inkastoo lagu soo hadal qaaday arimo dhowr ah

Ugu danbayntii madaxwaynaha Puntland inta badan kulumadiisa waxa uu ku dalbanayaa in maamulkiisa laga taageero dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ,waxaana maalmo ka dib uu dib ugu soo laaban doonaa Garowe.

Faisel Maxamed Hassan
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya