Fananadda Saado Cali Warsame oo soo booqatay qaar ka tirsan Xaafadaha halista ah oo ay Soomaalidu ka dagan yihiin Koofur Afrika (DAAWO SAWIRRO)


Khamiis, October 07, 2010(HOL): Fanaanadda caanka ah ee qaran Saado Cali ayaa indhawaalaba socdaal ku mareysay qaaradda Afrika, waxayna soo martay dalka Uganda, hadda waxa ay ku sugantahay magaalada cape town ee dalkan Koofur Africa.

Saado ayaa waxa ay horay usoo martay magaalada johannesburg, maalmaha soo socdana waxaa lagu wadaa in ay aaddo magaalada Port elizabeth, saado ayaa intii ay ku sugneyd magaalooyinka johannesburg iyo cape town waxa ay la kulantay jaaliyadaha soomaalida ee dalkan, waxaa kaloo ay saado qabatay labo bandhig faneed oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo buux dhaafiyay goobihii lagu qabtay badhig faneedyadaasi, waxayna halkaasi ka qaadday heesaheedii hore iyo kuwo cusub oo waddani ah oo dadweynihii daawanayay ay aad ugu riyaaqeen.

Saado ayaa waxa ay soo booqatay maalintii shalayto aheyd xaafadaha amaankoodu uu liito Khayelitsha iyo Langa oo ay soomaalidu ku ganacsato halkaasoo si ba'an loogu laayo ganacsatada soomaalida ah, markii ay halkaasi tagtay oo ay albaabada ka istaagtay dukaaman badan oo ay soomaalidu halkaa ku lahaayeen aya waxa aad ula yaabay dhalinyaradii soomalaida ahaa ee halakasi ku sugnaa, lama filaan ayeey ku noqotay in saado ay dhex socoto xaafada khayelitsha oo ah goobta ugu halista badan xaafadaha magaalada cape town duleedkooda ku yaalla.

Soomaalida ayaa halkaas aad ugu soo dhaweeyay waloow dukaamada qaarkood aysan laheyn albaab laga galo, hase ahaatee daaqadaha ayey kala hadashay waxayna u sheegtay in ay dooneeysay in ay indhaheeda kusoo aragto goobaha lagu laayo dhalin yarada soomaaliyeed ee halkaasi ka ganacsada.

Fanaanadda Saado ayaa waxa ay ku dhiirigelisay in ganacsatada halkaasi ku nool aysan niyad jabin oo ay is ilaaliyaan una dulqataan dhibaatooyinka lagu hayo, sabata oo ah ayeey tiri dalkeennii wali waxa uu ku jiraa xaalda amaan darro oo an u saamaxeyn in ay ka helaan shaqo, wax barasho, iyo nabad gelyo.

Ugu dambeyntii Saado ayaa waxa lagu wadaa in ay bandhig faneed labaad ku qabato magaalada Cape Town maalinbta Sabtida ee soo socota, waxaana taas loogu daneynayaa dadweynihii aad fursadda u helin bandhiggii hore.



Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa