Dagaallo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo maanta gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Muqdisho

Talaado, March 02, 2010(HOL): Dagaalladan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogagga ka soo horjeeda ayaa galabta ilaa caawa fiidkii waxay ka socdeen xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Xaafadaha ay dagaalladan ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Taleex, Tareebuunka  iyo Warshaddii Caanaha, waxaana intii ay dagaallada socdeen la isugu adeegsaday hub aad u culus, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo aad u badan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladan ku dhintay 8 ruux oo 3 ka mid ah ay ku geeriyoodeen Isbitaalka Madiina oo dhaawac ahaan loo geeyay, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 35 ruux, kuwaasi oo 7 ka mid ah ay ka tirsanaayeen Shaqaalaha Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhamaantood rayid ahaa ayaa waxay madaafiicda kula dhaceen iyagoo iska joogay guryahooda iyo goobahooda ganacsiga. Meelaha ay dadka ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah gudaha Suuqa Bakaaraha, nawaaxiga Warshaddii Caanaha, Xaafad ka tirsan Degmada Waaberi iyo Isgoyska Banaadir.

Saraakiil u hadlay Xarakada Al-Shabaab ayaa waxay sheegeen in uu dagaalka bilowday kaddib markii sida ay yiraahdeen ay Ciidamada Dowladda dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen xaafado u dhow Tareebuunka, walow ay sheegashadaas beeniyeen saraakiil kale oo u hadlay Dowladda Soomaaliya.

Dagaallada ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxay inta badan waxyeello ka soo gaartaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo dushooda la isugu adeegsado madaafiic aad u culus.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya