Dagaal xalay ka dhacay qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho

Talaado 02, Mar 2010 (HOL) Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaal xalay ku dhexmaray waqooyiga Muqdisho ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda, kaasoo socday muddo saaacad ku dhow.

Dagaalkan oo ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley ayaa waxay labada dhinac isku adeegsadeen hub kala duwan, waxaana ku dhaawacmay shan qof oo ay ku jireen haween.

Madaafiic ku dhacay degmada Wardhiigley ayaa geystay dhimashada laba qof oo la sheegay inay ahaayeen dadka ka ganacsadaha hargamaha xoolaha, waxaana sidoo kale dhaawacyadii ka dhashay dagaalkaas loo qaaday Isbitaalka Keysaney.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka intii uu socday ay labada dhinac madaafiic xooggan ku garaaceen xaafado ay ku sugan yihiin dad rayid ah, waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii ugu xoogga badnaa ee dhaca todobaadkan.

Khasaaraha labada dhinac ee dagaalamay kala gaaray ayaan la garanayn, iyadoo aysan ka hadlin labada dhinac dagaalkaas, waxaana dagaalladan ay imaanayaan xilli ay dowladdu sheegtay inay qaadayso guluf colaadeed oo ka dhan ah Mucaaradka.

Habeen hore ayaa waxaa sidoo kale dagaal geystay khasaare dhaawac uu ku dhex-maray ciidamada AMISOM iyo kooxaha kasoo horjeeda waddada Warshadaha taasoo halbowle u ah isku socodka gaadiidka u kala goosha Ceelasha biyaha iyo Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya