Dalka Soomaaliya oo la wareegay guddoonka Ururka Jaamaacadda Carabta, laguna wado in wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya uu guddoomiyo shir berri furmaya

Talaado 02, Mar 2010 (HOL) Dalka Somaila ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay shir guddoonka Ururka Jaamacadda Carabta lixda bilood ee soo socota, waxaana shirka ugu horreeyay oo ay berri yeelan doonaan Wasiirrada ururkan guddoomin doona wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangeli.

Waa markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya guddoomiso shirka dalalka Jaamacadda Carabta tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, iyadoo xubno u hadlay Dowladda Soomaaliya ay soo dhaweeyeen tallaabadan.

"Guul u soo hoyatay Soomaaliya ayaa oran lahaa qabashada shir-guddoonka ururka Jaamacadda Carabta, sidoo kalena dalalka ku mideysan Jaamacadda carabta waxay u tahay sharaf" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha diinta iyo Owqaafta ee DKMG ah oo ku sugan dalka Masar.

Shirka ay wasiirrada Jaamacadda Carabta ku yeelan doonaan Magaalada Qaahira ayaa wuxuu socon doonaa laba maalmood oo xiriir ah (Arbacada iyo Khamiista), iyadoo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo Falastiin.

Guddoominta shirarka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa Soomaaliya ku wareejin doonta dalka Suuriya oo hayay lixdii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana tani ay fursad weyn u tahay in saaxada caalamka la geeyo xaaladaha dalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Jaamacadda Carabta iyadoo ku biirtay sannadihii todobaatameeyadii, markaasoo uu xilka hayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Gen. Max'ed Siyaad Barre.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya