Talaado 02, Mar 2010 (HOL) - Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya in ka badan 100-mudane ayaa diyaarinaya mooshin xukuumadda ka dhan ah, iyagoo sheegay in xukuumadda laga doonayo inay kalsooni weydiisato Baarlamaanka.
Xildhibaan Max'ed Sheekh Yuusuf iyo Xildhibaan Max'ud C/llaahi Wehliye (Waqaa) oo saxaafadda ugu warramay Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda jirta looga fadhiyo inay Baarlamaanka weydiisato kalsooni ay ku shaqeyso, maadaama ay fulin wayday wixii laga doonayay inay 1-sano ku qabto.
"Dastuurka dalka u dagsan qodobadkiisa 10-aad, faqooyinkiisa 8-aad, 9-aad iyo 10-aad waxay ku cad in haddii xukuumaddu ay ku wax ku qaban weydo hal sano laga doonayo inay weydiisato kalsooni Baarlaaanka" ayuu yiri Xildhibaan Max'ed Sheekh Yuusuf.
Mudanayaashan waxay sheegeen in mooshinkan ay diyaarinayaan uusan ahayn mid ay ku doonayaan inay ku dumiyaan dowladda, balse ay tahay mid ku saabsan in la raaco sharciga dalka u dagsan oo ay tahay inuu xukuumadda hago.
"Haddii xukuumaddu ay ka dhego-adaygto inay kasloonida weydiisato Baarlamaanka Madaxweynaha waxaa u furan inuu magacaabo xukuumad kale" ayuu yiri Xildhibaan Max'ed Sheekh Yusuuf isagoo ka jawaabayay tallaabada habboon ee la qaadi karo haddii ay xukuumaddu diiddo inay kalsoonida weydiisato Baarlamaanka.
Dhanka kale, Xildhibaan Max'ud Waqaa wuxuu sheegay inay jiraan Xildhibaanno kale oo iyaguna diyaarinaya mooshin kale oo kooda kasoo horjeeda, kuwaasoo uu sheegay inay isku dayayaan inay difaacaan xukuumadda Ra'iisul waasare Cumar C/rashiid Cali.
Mar aan xildhibaankan weydiinay aragtidooda ku aaddan inuu dhamaaday xilligii shaqo ee Guddoonka baarlamaanka, ayuu ku jawaabay: "Guddoonka sare ee baarlamaanka ma dhicin waana sharci, waxayna ku joogaan sharci".
Khilaaf xooggan ayaa ka dhex muuqda baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo aan fadhi yeelan muddo 10-bilood ku dhow, iyadoo xildhibaannadu ay wataan mooshinno kala duwan oo ay koox walba kooxda kale kaga horjeeddo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya