Talaado, 02 March, 2010 (HOL)- Xukuumadda dalka Kenya ayaa Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka dalkaas Faarax Macallin ku eedaysay hadallo ay sheegeen in ay khilaaf ka dhex abuureen maamul-gobolleedka Puntland iyo Somaliland, isla markaana uu dhiirigeliyay goonni-isu-taagga Somaliland waqti uu socdaal ku joogay Somaliland dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2009.
Sida uu baahiyay Wargeyska Standard ee ka soo baxa dalka Kenya, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalkaas Moses Watengula ayaa Guddida Difaaca iyo arrimaha dibedda ee Aqalka Baarlamaanka dalkaas u gudbiyay dacwad ka dhan ah Guddoomiye-xigeenka Baarlamaankaas Faarax Macallin, taas oo uu ku sheegay in uu Guddoomiye-xigeenku mar uu bishii December ee 2009 socdaal ku joogay Somaliland uu jeediyay hadallo dhiirigelinaya in ay Somaliland noqoto dal madax bannaan. Waxaanu ku baaqay in arrintaas baadhitaan lagu sameeyo.
Warkani wuxuu intaa ku daray in Guddoomiyaha Guddida Arrimaha dibedda iyo dhaqaalaha ee Baarlamaanka Kenya Mr. Aadan Kaynaan wax laga waydiiyay arrintan uu sheegay in ay jirto, dacwaddaasina ay soo gaadhay oo ay dhawaan ka hawl-galayaan sidii baadhitaan loogu samayn lahaa arrintan. Hase ahaatee, Safiirka Soomaaliya u jooga dalkka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa sheegay in uu ka war qabay socdaalka Faarax Macallin ee Somaliland, balse aanay Dawladdoodu wax cabasho ah oo arrintaa la xidhiidha aanay u gudbinin Dawladda Kenya.
Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa socdaal qaatay muddo 8 maalmood ah ku yimi Somaliland bishii December ee sanadkii tegay, waxaanu khudbad dheer ka hor jeediyay labada Gole Baarlamaan ee Somaliland ee Wakiilada iyo Guurtida oo wada jira, kuwaas oo uu ugu baaqay in meel looga wada jeedo arrimaha Amniga iyo adkaynteeda.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland