Talaado, 02 March, 2010 (HOL)Xaafid Axmed Fidaar ayaa dhintay kaddib markii ay burcad hubeeysani rasaas ku fureen isagoo ku jira gudaha dukaan uu ka shaqeynayay oo ku yaalay xaafada PHILIPPI ee duleedka magaalada Cape Town dalka Koofur Afrika.
Burcadan oo ka koobneyd saddex nin ayaa gudaha usoo galay dukaanka galabnimadii isniinta abaare 3:10pm waxayna si arxan darro ah u dileen marxuumka, kadibna ay halkaasi ka gurteen lacago iyo airtime wixii halkaasi yaalay.
Mustafa Seeraar oo ah mid ka mid ah milkiileyaasha dukaanka ayaa HOL u sheegay in uu dukaanka gaaray 10 daqiiqo kaddib markii uu dilku dhacay wuxuna la kulmay meydka marxuumka oo dhex yaalla dukaanka taasoo uu sheegay in uu si aad ah uga argagaxay, waxaa kaloo uu sheegay in muddo gaaban kahor uu ka tagay dukaanka isagoo doonay alaabo dukaanka looga baahnaa hase ahaatee uu soo laabtay iyadoo dhacdadan naxdinta lihi ay ka dhacday dukaankii.
booliska ayaa halkaasi gaaray waxayna sawiro iyo faraha dambi baaristaba ka qaadeen goobtii uu dilku ka dhacay waxayna sheegeen in ay baarayaan.
Xaafada PHILPPI oo uu dilku ka dhacay ayaa waxa ay ka mid tahay xaafadaha ugu qatarta badan dalkan waxaana ka dhacay dilal fara badan oo noocaan oo kale ah, hase ahaatee wali wey sii dagan yihiin soomaalidu, waxayna ku doodayaan in aysan haysan qaab kale oo ay kula noolaadaan dalkan oo aan ka aheyn in ay ganacsiyo yar-yar ka sameystaan goobaha qatarta ah iyo xaafadaha isku raranta ah oo ay raqiista yihiin guryaha iyo goobaha ganacsi ee halkaasi ku yaalla.
Soomaalida iyo qaxootiga kale ee ku sugan dalkan koofur afrika ma helaan daryeel xagga nolosha ah taasina waxa ay sababtay in qaxootiga qaar badan oo ka mid ahi ay nolol ka raadsadaan goobaha qatarta ah kana fog' magaalooyinka waaweyn.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika
More News
- Dagaallo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo maanta gelinkii dambe ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Degmada Guriceel oo si kulul u beeniyay in la iibsado mucaawinooyinka Hay'adda WFP
- Dalka Soomaaliya oo la wareegay guddoonka Ururka Jaamaacadda Carabta, laguna wado in wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya uu guddoomiyo shir berri furmaya
- Dowladda Ingiriiska oo dalkeeda ka mamnuucay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo in dhaqaale loogu ururiyo ama loo marsiiyo
- AFHAYEENKA JUBBOOYINKA: "Walaayaadka Islaamiga ah iyaga ayaa laga doonayaa inay quudiyaan dadka gargaarka aadamnimo u baahan"
- Dagaal xalay ka dhacay qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho
- Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo wada mooshin ka dhan ah Xukuumadda uu horkacayo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid
- Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya oo Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka dalkaas ku eedeeyay in uu taageeray Goonni-isu-taagga Somaliland