Dowladda Ingiriiska oo dalkeeda ka mamnuucay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo in dhaqaale loogu ururiyo ama loo marsiiyo

Talaado 02, Mar 2010 (HOL) Dowladda Britain ayaa ka mamnuucday dalkeeda Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyadoo sheegtay inaan dhaqaale loogu ururin karin dalkeeda sidoo kalena aan looga diri karin.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Britain Alan Johnson ayaa yiri: "Waxaan soo saartay amar dalkeenna looga mamnuucayo Xarrkatul Shabaab, kaasoo la horgeyn doono Baarlamaanka, waana arrin aad looga fiirsaday".

Dowladda Ingiriiska ayaa waxay ku tilmaantay Xarrakatul Shabaab inay tahay koox argagaxiso ah oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida, waxayna sheegtay in qof walba oo xiriir la yeesha ay dalkeeda ka eryi doonto.

Xukuumadda Mareykanka ayaa horay dalkeeda uga mamnuucday Xarrakatul Shabaab, iyadoo ku sheegtay inay ahay koox xiriir dhow la leh Al-Qaacida isla markaana dadka xiriirka la leh aysan imaan karin dalkooda.

Saraakiil u hadlay Xarrakadan ayaa horay u sheegay inay daacad u yihiin Sheekh Osama Bin Laden oo ah hoggaamiyaha Al-Qaacida, sidoo kalena ay dagaallada ka socda geeska Afrika ku baahin doonaan caalamka.

Dowladda Ingiriiska ayaa bilowgii sannadkan ka mamnuucday dalkeeda Urur Islaami ah oo lagu Magacaabo (Islam for UK) kaasoo ay laahaayeen Muslimiinta dalkaas ku nool, waxaaan tallaabooyinkan ay imaanayaan iyadoo la sheegay in dad Soomaali ah oo ku noolaa dalka Ingiriiska ay ku biireen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya