AFHAYEENKA JUBBOOYINKA: "Walaayaadka Islaamiga ah iyaga ayaa laga doonayaa inay quudiyaan dadka gargaarka aadamnimo u baahan"

Talaado 02, Mar 2010 (HOL) Afhayeenka Maamulka Jubbooyinka ahna Madaxa Wafaafinta Sheekh Xasan Yacaquub oo wareysi siiyay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan mamnuuciddii lagu soo rogay Hay'adda WFP.

Sheekh Xasan Yacaquub wuxuu sheegay in mamnuucidda WFP ay tahay mid sabab u noqonaysa in beeraleyda Soomaaliya ay kordhiyaan howlahooda si ay isugu filaadaan, balse loo baahan yahay in la daryeelo dadkii ay hay'addaas cunnada siin jirtay.

"Walaayaadka Islaamiga ah ee ka jira Gobollada dalka ee hoostaga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin waxaa laga doonayaa inay xil iska saaraan daryeelka iyo quudinta dadkii ay gargaarka siin jirtay hay'addan" ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Maamulkooda ka jira Jubbooyinka ay bilaabeen inay quudiyaan dadkii ku tiirsanaan jiray gargaarkii ay bixin jirtay hay'adda WFP ayna sii wadi doonaan, inta la isaga filaanayo.

"Zakooyinkii aan ururinnay ayaan bilownay inaan siinno dadka masaakiinta ah ee aan waxba haysan, taasina waxay ka mid tahay inaan dadka tusno in laga kaaftoomo in gacmaha loo hoorsado gaalada iyo WFP" ayuu yiri Madaxa Warfaafinta ee Maamulka Jubbooyinka.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa Axaddii lasoo dhaafay soo saartay qoraal ay kaga mamnuucday Hay'adda WFP inay dalka ka shaqeyso, waxayna ku boorrisay beeraleyda Soomaaliya inay kordhiyaan wax-soosaarkooda si loo helo miro ay dadka oo dhan iibsan karaan qiimo ahaan.

Gargaarka ay bixin jirtay Hay'adda WFP ayay xarrakadu ku sheegtay inuu yahay mid aan caafimaad ahaan la cuni karin sidoo kalena dhacay, waxayna dadka ka qaata qandaraasyada ay sheegtay inay joojiyaan la shaqeynteeda.

Maamulka Jubbooyinka ee hoosataga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa noqonaya maamulkii ugu horreeyay ee taageera shaqo-joojinta lagu soo rogay Hay'adda WFP, inkastoo afhayeen u hadlay hay'addan uu sheegay inay howshooda sii wadi doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya