Ciidamada Ururka Xisbul Islaam oo dhoolatus ciidan ku sameeyay degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay iyo saraakiil ka hadlay

Axad, Mar 14, 2010 (HOL) - Boqolaal ciidamo ah oo taabacsan Ururka Xisbul Islaam oo dhawaan tababar loogu soo gabagabeeyay Gobolka Bay ayaa maanta kusoo bandhigay degmada Buurhakaba dhoollatus ciidan.

Saraakiil ka tirsan ururkan oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in ciidamadan ay ugu talogaleen inay ka qaybqaataan dagaallada looga horjeedo Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Burundi iyo Uganda ee Muqdisho ku sugan.

"Ma ogolaan karno in haweenkeenna iyo caruurteenna lagu laayo hub waaweyn, waxaan naga go'an inaan dagaal kala hortagno ciidamada AMISOM iyo kuwa kale ee Dowladda Soomaaliya, waana wadaynaa dagaalkaas inta aan ka guulaysanno" ayuu yiri Sheekh Maxamed Abuu-Muscab oo ka mid ahaa saraakiishii ka hadlay goobta lagu soo bandhigay dhoollatuska.

Sheekh Maxamed Abuu-Muscab wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamadan ay u diri doonaan Magaalada Muqdisho si ay ugu biiraan ciidamadooda ku sugan halkaas ee dagaalka ku jira, isagoo sheegay in dagaalka aysan joojin doonin.

"Dagaalka waxaan wadaynaa inta aan ka xaqiijinayno inaan ka sifeyno dalka ciidamada AMISOM, waayo waa cadow ku hareereysan KM-4 iyo goobo ku dhow, halkaasna ka tuura madaafiic ay shacabka ku gudmaadayaan" ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Saraakiil kale oo iyaguna ka hadlay dhoollatuska ayaa waxay sheegeen in ciidamo kale ay dhawaan iyaguna kasoo bixi doonaan tababaro, kuwaasoo ay u diri doonaan Muqdisho dalka iyo diinta u difaacaan.

Ururka Xisbul Islaam ayaa ka mid ah kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Soomaaliya, waxaana ciidamadan ay tababarka u soo xireen kusoo beegeen xilli ay Dowladdu sheegtay inay dagaal ku qaadayso goobaha ay mucaaradku maamulaan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya