Axad, Mar 14, 2010 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho maanta ayaa sheegay in dhawaan la bixin doono mushaaraadka Xildhibaannada baarlamaanka oo aan la bixin muddo 10-bilood ku dhow.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay awood u yeelan wayday inay bixiso mushaaraadka Xidhibaannada, balse lagu wado in dhawaan ay bixiyaan dalalka deeqaha bixiya, isagoo ka gaabsaday inuu sheego sababihii dib loogu dhigay mushaaraadka xildhibaannada.
Kulamada Baarlamaanka oo aan muddo sannad ku dhow qabsoomin ayaa loo sababeynayaan mushaar la'aanta Xildhibaannada, iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka oo haatan safar dibadda ah ku maqan uu sheegay in todobaadyo gudahood ay ku bilaaban doonaan kulammada baarlmaanka.
Sidoo kale guddoomiye ku xigeenku wuxuu ka hadlay Xildhibaanno ku xiran dalka Itoobiya kuwaasoo weli ku jira xabsi ku yaalla Magaalada Jigjiga ee Islaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.
"Waxaan ka codsanaynaa Dowladda Itoobiya inay sii dayso labada xildhibaan ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo tixgelinaysa saaxiibtimada naga dhexeysa" ayuu yiri Prof. Dalxa oo sheegay in saxiixa heshiiska Dowladda iyo Ahlusunna laga hormariyo sii daynta Xildhibaannadan iyo sarkaalka la xiran.
Xildhibaannada u xiran Dowladda Itoobiya oo la sheegay inay sharcidarro ku galeen dalkaas ayaa waxay kala yihiin Xuseen Gagaale iyo C/llaahi Farey, iyadoo dhawaan la shaaciyay in la sii daynayo, balse aan weli la sii dayn.
Dhanka kale, Prof. Dalxa wuxuu ka hadlay dagaallada u dhexeeya beelaha walaalaha ee ka socda Gobolka Mudug, isagoo sheegay in dagaalkooda uu yahay mid gadaal laga riixayo, wuxuuna labada beelood ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka uu dhiigga badan ku daatay.
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo haya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhawaan eedeyn u jeediyay Hay'adaha gargaarka ee Qarammada Midoobay, isagoo ku eedeeyay inay musuq-maasuqaan lacagta loogu talogalay Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya