Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif oo ka qaybgalaya shir la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda

Axad, Mar 14, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kaga qaybgalaya dalka Imaaraadka Carabta shir looga hadlayo arrimaha dalka Soomaaliya, kaasoo ay soo qabanqaabisay xarunta caalamiga ah ee dib u cusboonaysiinta.

Xubnaha ka qaybgalaya shirkan ayaa waxaa ka mid ah: Wakiilka Xoghayaha guud ee Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, Madaxweynihii hore ee dalka Suudaan C/raxmaan Suwarul-Dahab, ku xigeenka Ururka Muslimiinta Caalamka Sheekh C/llaahi Caalim iyo Dr. C/llaahi Tasiif oo ah ku xigeenka Madaxa Golaha Shuurada dalka Sucuudiga.

Shirkan ayaa lagu wadaa in dhinacyada isku haya talada dalka Soomaaliya la isugu keeno miiska wadahadallada, si looga gudbo in xal lagu gaaro xabbada ayna labada dhinac u yeeshaan kulamo ay ku xallinayaan khilaafyadooda.

Kulankan oo ka furmay Dubai ayaa waxaa ka qaybgalaya culumo ka kala socota caalamka iyo Somalia, kuwaasoo ka doodi doona dagaallada ka socda Soomaaliya, kuwaasoo u bandhigi doona diinta Islaamka dagaallada socda ee diinta ku saleysan.

Shir-guddoonka shirkan oo ah Sheekh u dhashay dalka Maroko oo lagu magacaabo Sheekh C/llaahi Beeh ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in shirkan looga hadli doono xasaradaha ka jira dalalka Islaamka, iyadoo lagu xallin doono khilaafyada diinta Islaamka.

Kooxaha Dowladda kasoo horjeeda ayaan la sheegin xubno shirkaas uga qaybgalaya iyadoo lagu wado in culummada shirkaas isugu imaanaya ay kasoo saaraan bayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya