Axad, Mar 14, 2010 (HOL) -Odayaasha Gobolka Mudug ee Waqooyiga Gaalkacyo ayaa ku baaqay in la kala dhex galo labo beelood oo walaalo ah ,kuwaasi oo ku dagaalamay ,Tuulada Bacaadwayn oo dhanka koonfurta ka xigta Magaalada Galkacyo.
Waxaa Baaqaan soo saaray Qaar ka mid ah Odayaasha Waqooyiga Galkacyo ka dib kulan ay ku yeesheen guriga Degmada ,Waxaana ay Tilmaameen in la soo gaba gabeeyo Colaada dhex Taala labadaasi beelood ee Walaalaha ah.
Nabadoon Yaasiin C/samad oo ka mid ah Odayaasha Gobolka Mudug ayaa warbaahinta qaar u sheegay in ay aad uga xumaadeen dagaalka ka dhacay tuulada Bacaadwayn oo ahaa Mid si wayn looga dareemay Gobolka.
Dagaal Wiil baa ku dhintee Wiil kuma dhasho ,Waxaana ku baaqaynaa in walaalaheena ay dagaalka joojiyaan lana is aftgarto" ayuu yiri Nabadoonka Isaga oo ku sugan Magaalada Galkacyo.
Baaqaan ka soo yeeray Odayaasha Gobolka Mudug ee waqooyiga Galkacyo ayaa u Muuqda Mid Hoos u dhigi kara Colaada ka dhaxaysa labadaasi Beelood ,iyadoo Wai la hadal hayo dagaalkii dhawaan dhex maray Puntland iyo Gal-Mudug.
Dhinaca kale Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa dhowr jeer ku cel celiyay in dagaalka la joojiyo,Waxaana dagaalkii dhex maray labadaasi Beelood ku dhaawacmay Dad Gaaraya 15 ruux ,iyadoo ay jirto sidoo kale dad ku dhintay.
Dagaalkan dhexmaray Labadan beelood ayaa Dhowr jeer oo hore soo noq-noqday,waxaana uu kani yahay kii ugu khasaaraha badnaa inta la ogyahay Marka loo eego kuwii horay u soo dhexmaray ,Waxaana Wararka ka imaanayaa Tuuladaasi ay sheegayaan in dagaalka u joogsaday ,balse ay jirto cabsi laga qabo in uu bilawdo Labo Maalin ka dib.
Ugu Danbaynta Maamulka Gal-Mudug ee Koonfurta Galkacyo ayaa lagu wadaa in uu kulansiiyo Odayaasha labada dhinac ee ay dirirto dhex martay,iyaga oo kaa shanaya Odayaasha Waqooyiga ee Puntland.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya