Axad, Mar 14, 2010 (HOL) - Jariidada New York Time ayaa ku soo daabacday boggeeda hore warbixin ay soo diyaariyeen gudiga cunaqabateenta Soomaaliya, taasoo ku eedeynaysay in si xad dhaaf ah loo weeciyo kaalmada raashinka macaawinada ah ee barnaamijka cunada ugu qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ee Soomaaliya.
Nuqul hordhac ah ee warbixintaas oo aan wali la hordhigin Qarammada Midoobay ayaa qaybo danaynaya inay taageero sare u helaan inta aanan warbixinta u gudbin Golaha Amaanka si sir ah u baxshay warbixintaas iyaga ooo ujeedo gaar ah ka leh.
Sida laga soo xigtay Jariidada New York Times, warbixinta GCS waxay ku xuseen in Shirkadda Deeqa oo Hormuud ka ah qandaraaslayaasha barnaamijka Cunnada ugu qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP ee Soomaaliya, ka qaybqaadatay eedaynata ku saabsan raashinka la leexsaday.
Haddii eedaymahaas ku wajahan Shirkadda Deeqa la ansixiyo ugu danbeyntiina ay shaaciso Qaramada Midoobay, si deg deg ah ayaan ugu jawaabeynaa Guddiga Cunaqabatenta Soomaliya iyo dhammaan warbahinta danaynayso arrinkaas.
Qeybaha warbixinta sida gooni ah howlaha Sharkadda Deeqa loogu soo bandhigay Jariidada Times, waxaan uga jawaabeynaa inay tahay qoraal wax aan sal iyo raad midna lahayn lana soo been abuuray.
Waqtigaan waxaan ku wargelinaynaa in badan oo ka tirsan warbaahinta waxna naga soo weydiiyay arrinkaan, waxaana caddeynaynaa in saddexdii billood ee ugu danbeysay inaan kula jirnay baarayaasha Guddiga Cunaqabatenta Soomaliya loona yaqaan - Kooxda Baarayaasha ama Dabagalka Somalia (SMG) wada hadal waxtar leh iyo sidaa si la mid ah xeel-dheerayal xagga sharciga ee QM u xilsaartay (SMG) danaha ay ka leedahay Deeqa.
Iyada oo la wada-ogyahay dadaalka gargaarka Soomaliya kaalinta weyn ee aan ku laheyn in la baarayay, misana aan u leenahay waaya-aragnimo hore oo is bedbedel badan soona noqnoqotay, waxaa nasiib-darro ah in SMG ay ogolaatay xumaan qayaxan, fadeexad-cad iyo waxyeelo kutiro kuteen ah si ay uga hesho Qarammada Midoobay ogalaansho warbixinteeda, waxaana ogolnahay in baarayaasha ay hubiyaan dhowraan waxii xaqiiqo ah caddaaladna ku salaysan marka loo eego baaritaanka ay ku samaynayaan Shirkadda DEEQO.
Foojignaanteenna sida wax u socdaan waxaa kacshay korna u qaaday warbixino rasmi ah in si qarsoodi ah loo shaaciyo sida tan haatan loo gudbiyay Jariidada Times, taasoo u dhacday qaab u muuqda in loogu talo-galay in la weecsho ra'yiga caamka ah inay aqbalaan gunaanadka baaritaanka si uu ugu muuqdo mid ah wax hore u dhacay.
Wada-shaqeynta iyo sida ay howsha u socotay (SMG) aad ayay u dhib-badnayd kana qaadayso dulqaadka xitaa haddii ay caawinayeen xeel-dheerayaal xagga sharciga ee aan uga qabanayno Magaalada Washington DC Innaga oo muujinayno taxadir dheeri ah. Walow xirfadda (SMG) aysan ujeedadeeda si rasmi ah u ahayn mid caadiyan ay hagaan shuruucda lagu dhaqmo.
Balse waayo aragnimadeenna xagga baaritaannada waxay na tustay inaan la fahmi karin lana saadaalin karin, kana fog-yihiin habka wax loo wado, iyadoo baarayaashu aysan mararka qaarkood fahasanayn asal ahaan howgaladda WFP.
Inkastoo, isla markiiba si iskaa-wax-u-qabso ah ugu jawaab celinaynay (SMG), waxay shirkadda DEEQA ku qaadatay inaan ka helno bayaan rasmi ah oo ku saabsan eedeymaha lagu soo oogay shirkadda DEEQA ilo kale, si jees jees ah ayaa waxaa nalagu wargeliyay inaan ka helno "Macaamilo rasmi ah" sababtoo ah waxaan keensanay garyaqaano. Waxaan si cad u ogaanay in xogta ay (SMG) isticmaasho ay ka hesho ilo kale oo labaad ama mid saddexaad oo ku nool goobo colaad joogta ay ka jirto, isku dhex yaac, ama fadhi ku dirir iyo wararka laysla dhex maraayo wadooyinka Nairobi; taas oo keenayso in gabi ahaan suuragal ka dhigin in lagu kalsoonaan karo.
Iyadoo taasi ay jirto, waxaan illaalinay iyadoo si taxadir ku jirto oo dhan kasto ka dhameystiran guud ahaan beenaynaynaa eedaymaha iyo dacwadda (SMG) ayna soo hor-dhigeen. Taas waxaan kusoo bandhignay waraaqo rasmi ah, qoraalo aan ku beeninayno iyo doodo afka ah ee uu naga kaalmeeyay garyaqaankeena. Haatan oo ay soo shaac baxday sheekada New York Times, juhdigeenee waxuu noqday natiijo la'aan.
Dabcan, maqaalkaas wuxuu nagu reebay walwal in sida ay howsha u socoto sidii loogu talo galay aysan noqoneyn, laga yaabee asbaabo aan annaga na-quseyn ama ka baxsan awoodeena si aan u fahano.
Waxaan aad uga war-haynaa diidmada jawaab celinta. Baarayaasho mararka qaar maba fahansana asal ahaan howgaladda WFP waxii ay ka koobneyd warbixinta baaritaanka (SMG) iyo sida iyadoo aan la ogolaan ama la fisixin loo shaaciyay.
Sidoo kale waxaan ogaanay in mas'uuliyiin Qaramada Midoobay iyo xubno faro badan oo dowlado ka tirsan ay ka muujiyeen shakiga iyo mudnaanshaha warbixintaan.
Shakiyada noocaas ah oo jira owgood, Shirkadda DEEQA waxay si hami leh u soo dhaweynaysaa cid kasta oo madaxbannaan ee Qarammada Midoobay ka tirsan ama qayb-seddexaad oo baarto WFP Somalia.
Waxaan si buuxda ula shaqeyn doonaa guddiyadaas baaritaan iyadoo la rajaynayo in shaki la'aan meesha laga saaro wixii welwel ah ee laga qabo DEEQA. Balse, waxaan ku qasbannahay inaan dhowrno waqtiga, sidaas si la mid ah warbaahinta danaynaysa arrinkaan illaa aan ka caddeynayno xaaladda waxa ka iman karo (SMG) warbixinteeda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya