Dagaallo Culus oo galinkii danbe ee shalay mar kale ku dhaxmaray Beello iska soo horeeda deegaanno hoostaga Goballka Mudug.

Axad, Mar, 14, 2010 (HOL) Ku dhawaad 20 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen in ka badana ku dhaawacmeen dagaallo culus oo mar kale deegaannada Bacaadweyn iyo Camaara oo ka wada tirsan Goballka Mudug ku dhaxmaray Maleeshiyo Beeleed maalmihii ugu danbeeyay halkaa ku dagaalamayay.
 
Dagaalka dhacay galinkii danbe ee shalay oo ahaa mid ka culus kuwii horay u dhaxmaray labada dhinac ayaa ku sii fiday deegaanno hor leh oo markii hore dagaalladu gaarsiisneyn, waxaa wararkii ugu danbeeyay ee soo baxaya sheegayaan in saakay xiisada colaadeed ka taagan tahay.
 
Tuulo lagu magacaabo Jiic-dheer ayaa saakay lagu soo warmayaan in ay ka jirrto xiisad daran lagana yaabo in mar kale dagaallo culus ku dhaxmaraan labada dhinac, maadaama aysan jirin wax waan waan ah oo laga dhax wado dhinacyda iska soo horjeeda.
 
Meydadka qaar ayaa wali la sheegayaa in ay yeelaan goobihii lagu dagaallamaya mar haddii jirin cid ka madaxbanaan dhinacyada iska soo horjeeda oo tagi karta goobaha lagu dagaalamayo.
 
Dhinaca kale waxaa wali isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo Beelaha dirirtu dhaxeyso, waxaana baaqii ugu danbeeyay u jeediyay dhinacayda iska soo horjeeda Af-hayeenka Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diireye Cali oo Waxgaradka Beelaha khilaafku u dhaxeeya in dagaallada la joojiyo lana qaado Nabada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]