Shirar gooni-gooni ah oo Addis Ababa uga socda Wafdiyada Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljamaaca

Axad, Mar 14, 2010 (HOL) - Wafdiga Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Ahlusunna Waljamaaca la doonayo inay u saxiixaan heshiiskii ay bishii lasoo dhaafay gaareen ayaa kulammo gaargaar ah ku leh Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulamadan ayaa waxay si gaargaar ah ugu dhexeeyaan labada wafdi, iyadoo dhinac walba uu si gaar ah kulamo u yeelanayo, waxaana Madaxweyne Sheekh Shariif oo gaaray Addis Ababa shalay gallinkii dambe uu kulamo la qaatay wafdiga Dowladda.

Heshiiska labadan dhinac ay gaareen ayaa lagu wadaa in dhanka Dowladda uu u saxiixo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Shama'arke iyadoo uu Ahlusunana u saxiixi doono Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee culummadaas.

Saxiixa heshiiskan oo lagu waday inuu dhaco Sabtidii shalay ayaa la isku afgartay in la saxiixo maalinta Isniinta ah, inta ka horreysana ay labada dhinac yeeshaan kulamo kama dambeys si ay heshiiska u saxiixaan.
Xubnaha labada dhinac ayaa diiday inay saxaafadda siiyaan warar hordhac ah, waxaase lagu wadaa inay shirar jaraa'id qabtaan inta aysan saxiixin heshiiska, kuwaasoo ay ku muujinayaan go'aannadooda kama dambeysta ah.

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa ku qulqulaya madax ka socda Ururrada Caalamiga ah sida Midowga Afrika, kuwaasoo goobjoog ka noqon doona heshiiska ay kala saxiixanayaan Dowladda Soomaaliya iyo Alhusunna.

Heshiiskan ayay labada dhinac ku wadaagayaan Dowladda Midnimada Qaran, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay u noqonayso fusad u saamaxda in amarradeedu ay gaaraan goobo aanay horay u gaari jiray sida Gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya