Axad, Mar, 14, 2010 (HOL) Maamulka Ururka Xisbul Islaam gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ayaa markii ugu horeeysay ka dhawaajiyay dagaal ka dhan ah Dowladda Mareykanka oo horay loo sheegay in ay damacsan ka qeyb qaadashada dagaallka lagula jirro xoogagga Islaamiyiinta.
Max'ed Weheye Odawaa oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dagaal lala galo Dowladda Mareykanka haddii ay ka qeyb qaadato ayuu yiri dagaallada u dhaxeeya Dowladda iyo dhinacooda, waxaana uu intaa ku daray in markii horeyba ay ka filayeen Mareykanka iyo Dowladdaha la mid ka ah in ay gacan siiyaan Dowladda Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay iyagga u adeegta.
''Horay ayuu Mareykanku ugu fashil dalka Soomaaliya iyaga oo waliba la dagaalamayay ayuu yiri Hogaamiye Cilmaani ah, sadaa daraadeed Mujaahidiintu diyaar ayeey u yihiin ayuu sheegay Max'ed Weheliye Odawaa oo dhinaca kale ka hadlay dagaallada ka socda Caasimada Muqdisho.
Dagaaladii ugu danbeeyay ee Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in ahaayeen Jihaad qeyb ka ah duminta Dowlad sida uu hadalka u yiri ka soo horjeeda dhaqanka shareecada Islaamka, waxaana uu sheegay in dagaalladaasi sii soconayaan ilaa meesha laga saarayo kuwa adeega Cadawgga Alle ayuu hadalkiisa sii raaciyay Max'ed Weheliye Odawaa.
Hadalka ka soo yeeray Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne ayaa u muuqda mid daba socta hadal kan la mid ah oo dhawaan Goballka Shabeelada Hoose ka sheegeen Mas'uuliyiin ka tirsan Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Ururka Xisbul Islaam ee G/Hiiraan oo sheegay in ay la dagaalami doonaan haddii uu Mareykanku isku dayo in uu soo weeraro.
More News
- Ciidamada Ururka Xisbul Islaam oo dhoolatus ciidan ku sameeyay degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay iyo saraakiil ka hadlay
- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in dhawaan la bixin doono mushaaraadka xildhibaannada oo muddo hakad ku jiray
- Shirkadda Deeqa oo iska fogeysay eedeyn ku saabsan inay qayb ka yihiin musuqmaasuq lagu sameeyay gargaarka Soomaaliya
- Odayaasha Waqooyiga Gaalkacyo oo ku baaqay in la kala dhex galo Labo Beelood oo ku dagaallamay Tuulada Bacaadwayn ee Koonfurta G/Mudug
- Dagaallo Culus oo galinkii danbe ee shalay mar kale ku dhaxmaray Beello iska soo horeeda deegaanno hoostaga Goballka Mudug.
- Madaxweynaha Somalia Sheekh Shariif oo ka qaybgalaya shir la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda
- Shirar gooni-gooni ah oo Addis Ababa uga socda Wafdiyada Dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna Waljamaaca
- Hogaamiye ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo lagu xiray dalka Sudan isagoo isku dayayay inuu dhanka xuduudda ka galo dalka Eritrea