Isniin, June 14, 2010(HOL): Waxaa maanta gabi ahaanba lasoo gabagabeeyay dhismaha buundada mugaanbo oo qiyaastii 70km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Dhismaha Buundada Mugaanbo oo ay iska kaashadeen ganacsatada, kala duwan ee magaalada kismaayo iyo maamulka wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa waxa sida la sheegay dhismaheeda ku kacay lacag dhan $4200(Afar Kun iyo Lababoqol oo doolar), waxaan maanta soo gabgaboobay dhismaha buundada iyadoo ay haatan buundadaasi isticmaali karaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Darawallada Gaadiidka isticmaala wadadaasi ayaa si diiran u soo dhaweeyay dhismaha buundada iyagoona sheegay in ay mari jireen wado qiyaastii 10 km wareeg ah, taa oo ay sheegeen in ay kala kulmi jireen dhibaatooyin fara badan maadama ay wadadaasi ahayd mid godad badan islamarkaasina xilli roobedyada ay ku adkeyd in ay maraan gadiidka xamuulka sida.
Buundadan ayaa burbursanayd mudo kabadan 16 sano iyadoo ay burburiyeen fatahaado uu sameeyay webiga jubba, mana jirin cid iska xil saartay in ay dayactirto buundadaasi, haseyeeshee ganacsatada magaalada kismaayo oo kaashaneysa wilaayada islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa markii ugu horeysay dayactir ku sameysay buundadaasi iyadoo ay haatan isticmaalayaan gaadiidka u safra qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya