Isniin, June 14, 2010 (HOL) − Xildhibaanno tiradoodu gaarayso 176-mudane oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho shalay oo Axad ahayd ayaa kaga dhawaaqay Kudlad ay sheegeen inay ku saxayaan Dowladda kuna badbaadiyaan Qaranka.
Mudane Saleebaan Maxamed Ibraahim oo shir jaraa'id qabtay markii la dhisay Kudladdan ayaa sheegay inay ugu talogaleen inay ku saxaan Dowaldda ayna ku badbaadiyaan Qaranka, isagoo sheegay in dastuurka dalka lagu xadgudbay.
"Kudladdan ama Golahan waa mid aan ugu talogalnay inaan wax ku hagaajinno, balse ma ahan mid aan cid gaar ah uga soo horjeedno, mana nihin mucaarad" ayuu Xidhibaan Saleebaan ku sheegay shirkiisa Jaraa'id.
Xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir oo ka mid ahayd xubnihii sameeyay kudladda oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay inaysan ahayn mid ay kaga soo horjeedaan Madaxweynaha iyo cid kale, balse ay ugu talogaleen inay ku saxaan xukuumadda.
Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo guddoominayay shirka lagu sameeyay kudladdan ayaa sheegay inaan loo arkin inay dooayaan inay qalalaase cusub ka dhex-abuuraan Baarlamaanka, balse ay ugu talogaleen inay wax ku toosiyaan.
"Sharciga dalka u dagsan waa lagu tuntay sida la ogyahay, waxaan doonaynaa si aan u badbaadino Qaranka in kudladdan lagu saxo khaladaadka jira" ayuu yiri Prof. Dalxa oo weli rumeysan inuu yahay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo todobaadkii hore loo doortay Xildhibaan cusub.
Xildhibaannada ku mideysan Kudladdan ayaa waxay dhamaantood kasoo jeedaan baarlamaankii hore, waxaana ay mudanayaasha qaar ku tilmaameen inuu la mid yahay kudladdii looga soo horjeeday Sheekh Aadan Madoobe oo kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xildhibaanno Muqdisho kaga dhawaaqay Kudlad ay sheegeen inay ku saxayaan Dowladda kuna badbaadinayaan Qaranka
More News
- Dhismaha Buundada Mugaanbo ee gobolka J/hoose oo lasoo gabagabeeyay (DAAWO SAWIRRO)
- Madfac ku dhacay degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho oo geystay dhaawacyo gaaray dad shacab ah
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka furay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Dayax xarun lagu baaro Caafimaadka Xoolaha iibka ah
- Wax soo saarka Beeraha Gobolka Jubadda Hoose oo si dardar leh u socdo (DAAWO SAWIRRO)
- SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Dagaalka aan ku jirno ma joojinayno inta faragelinta lagu hayo dalka Soomaaliya, ismana dhiibayno"
- Labo Ruux Oo Maanta ku Dhaawacmay Shil Gaari oo ka Dhacay Duleedka Bosaaso
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Ururka Xisbul Islaam oo beeniyay in Maamulkooda uu ku biiray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin
- Xoogagga Dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda oo dilay Darawalkii Madaxweynaha Soomaaliya kaasoo lagu aasay dalka Uganda
- Deeq la gaarsiiyay Qoysas ku jirra Xeryaha Barakacayaasha Magaalada Beledweyn.