Madfac ku dhacay degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho oo geystay dhaawacyo gaaray dad shacab ah

Isniin, June 14, 2010 (HOL) − Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen madfac duhurnimadii maanta ku dhacay Isgoyska degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho, iyadoo madfacaas aan la ogeyn halka uu ka yimid.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in madfaca uu ku dhacay booyad shidaal waday, uuna burbur xooggan gaarsiiyay, iyadoo dadka dhintay iyo dadka dhaawacmay ay isugu jireen xoogsato ka xamaasha Dekeda Muqdisho iyo ganacsato ku sugnaa suuq ku dhawaa halka uu madfacu kusoo dhacay.

"Madfac la-garan wayay halka uu ka yimid ayaa ku dhacay Isgoyska Xamarjajab, wuxuu dusha kaga dhacay booyad shidaal, iyadoo saddex qof oo ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa waxaa gaaray dhaawacyo halis ah" sidaa waxaa HOL u sheegay goobjooge argagaxsanaa.

Ganacsatada suuq-yare ku yaallay halka uu madfacu ka dhacay ayaa kala cararay iyadoo shidaalkii ku jiray booyada uu dusha kaga dhacay uu dhulka ku daatay, waxaana qaybta hore ee booyadda gaaray burbur xooggan.

Suxufiyad ka mid ah kuwa ka holgala Magaalada Muqdisho oo ku dhaweyd halka uu madfacu ku dhacay ayaa sheegay inay indhaheedu qabteen dad badan oo dhulka daadsan kuwaasoo isugu jiray mady iyo dhaawac, balse waxay sheegtay in cabsi awgeed ay xaqiijin wayday inta dhimatay iyo inta dhaawacantay.
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada madfacan iyo sababta loo tuuray, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso duqeymaha khasaaraha kala duwan u geysta dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya