SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Dagaalka aan ku jirno ma joojinayno inta faragelinta lagu hayo dalka Soomaaliya, ismana dhiibayno"

Isniin, June 14, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaallada ay ku jiraan iyo xubno ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ay la midoobeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay in dagaallada ay wadayaan inta laga daynayo Soomaaliya faragelinta lagu hayo, isagoo sheegay inaysan marnaba isdhiibayn.

"Dalka Soomaaliya weli waxaa lagu wadaa faragelin, waxaana kuwada dalal ay ka mid tahay Itoobiya, waxayna siyaasad ahaan iyo milateri ahaan gacanta kula jirtaa Soomaaliya, iyadoo ciidamo badan soo dhoobtay xuduuddaha dalka" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Hoggaamiyaha Xisbul Islaam ayaa sheegay inay xoojin doonaan dagaallada ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo dalalka ay gacanta ku hesho oo uu sheegay inay ka mid yihiin kuwa dariska ah iyo kuwa reer galbeedka.

"Dagaalku ma dhamaan, isma dhiibayno, waana dagaalamaynaa inta aan nool nahay, waayo waxaan galaynaa Janno haddii aan dhimanno, haddii kalena xorriyad ayaan ku noolaanaynaa, waxaana codsanaynaa in faraha lagala baxo Arrimaha dalka Soomaaliya" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Mar uu ka hadlay Xubno iyo ciidamo ka tirsan Xisbul Islaam oo ku sugan Gobolka Hiiraan sheegayna inay ku biireen Xarrakatul Shabaab ayuu sheegay inaysan matalin xubnahaas ururkooda, tanina ay dhaawacayso dadaallo la doonayay in lagu mideeyo labada kooxood.

"Waxaa heshiin kara Mas'uuliyiinta labada dhinac, balse shaqsiyaad yaryar oo aan xil hayn ma dhici karto inay yiraahdaan waxaan la midownay Xarrakatul Shabaab, taasna ma ahan wax aan ogolaan karno" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Dhanka kale, Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu ka hadlay Telefishinka Universal oo uu sheegay inuu ku xadgudbay Nebi Muxammed (NNKH), wuxuuna sheegay in xadgudubkaas uusan ahayn mid laga towbad keeni karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya