Isniin, June 14, 2010 (HOL) − Darawalkii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo lagu magacaabi jiray Eriya Kabuye ayaa lagu aasay Magaalada Luwero ee dalka Uganda, sida uu qoray Wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalkaas.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Lt. Michael Turiraba ayaa u sheegay Wargeyska New Vision sabtidii in Kabuye uu ku dhintay mid ka mid ah Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada horraantii bishan.
"Darawalkii Madaxweyaha Soomaaliya wuxuu ku dhintay Madfac kula dhacay gaarigiisa, waxyar kaddib markii uu Madaxweynaha Soomaaliya geeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho bishan 3-deedii" ayuu yiri Lt. Michael Turiraba.
Eriya Kabuye oo ah darawalka dhintay ayaa jiray 33-sano, waxaana shalay oo Axad ahayd lagu aasay Magaaladii uu ku dhashay ee Luwero, isagoo ifka kaga tagay 3-caruur ah iyo hooyadii u dhashay.
Waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhintay askari kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM kana soojeeday Uganda, waxaana isagana lagu aasay magaaladii uu ku dhashay, waxaana Madaxtooyada oo inta badan lagu weeraro Madaafiic ilaalo ka ah AMISOM.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka socda Uganda iyo Burundi, kuwaasoo huwan magaca AMISOM, waxaana laga dilay 38-askari tan iyo markii ay howlaha nabad ilaalinta ah ka bilaabeen Muqdisho 19-askari oo ciidamadaas ka mid ahna waxay u dhasheen Uganda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Xoogagga Dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda oo dilay Darawalkii Madaxweynaha Soomaaliya kaasoo lagu aasay dalka Uganda
More News
- Dhismaha Buundada Mugaanbo ee gobolka J/hoose oo lasoo gabagabeeyay (DAAWO SAWIRRO)
- Madfac ku dhacay degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho oo geystay dhaawacyo gaaray dad shacab ah
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka furay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Dayax xarun lagu baaro Caafimaadka Xoolaha iibka ah
- Wax soo saarka Beeraha Gobolka Jubadda Hoose oo si dardar leh u socdo (DAAWO SAWIRRO)
- SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Dagaalka aan ku jirno ma joojinayno inta faragelinta lagu hayo dalka Soomaaliya, ismana dhiibayno"
- Labo Ruux Oo Maanta ku Dhaawacmay Shil Gaari oo ka Dhacay Duleedka Bosaaso
- Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Ururka Xisbul Islaam oo beeniyay in Maamulkooda uu ku biiray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin
- Xildhibaanno Muqdisho kaga dhawaaqay Kudlad ay sheegeen inay ku saxayaan Dowladda kuna badbaadinayaan Qaranka
- Deeq la gaarsiiyay Qoysas ku jirra Xeryaha Barakacayaasha Magaalada Beledweyn.