Labo Ruux Oo Maanta ku Dhaawacmay Shil Gaari oo ka Dhacay Duleedka Bosaaso

Isniin, June 14, 2010 (HOL) −Shilkan ayaa ka dhacay Agaagaarka kontroolka laga soo galo magaalada Bosaaso ,Waxaana uu sababay dhaawaca Labo ruux oo uu ku jiray darawalkii Gaarigaasi.

Gaariga rogmaday ayaa ahaa nooca soomaalidu u taqaano caasiga ee Basaska,Waxaana uu ka mid ahaa Baasaska sida caadiga ah uga shaqaysta gudaha Degmada.

Waxaa la sheegay in Baabuurkan uu rogmaday ka dib markii uu ka baxay wadada laamiga ,iyadoo dadkii ku dhwaamayna la soo gaarsiiyay Cisbitalka Bosaaso si xaaladooda caafimaad loo dabiibo.

Taliyaha Laanta Nabadgalyada wadooyinka Gobolka Bari Maxamed yuusuf Finiin ayaa sheegay in aysan jirin Cid ku geeriyootay Baabuurka Rogmaday,balse ay socdaan baaritaano la xiriira habkii uu u rogmaday.

Waxaa kaloo taliyaha uu sheegay in la xadidi doono Gaadiidka ku safraya wadada Laamiga ,si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha Gudoonka Baabuurta oo aad u soo kordhay bilaha danbe.

Shilkan ayaa Cabsi badan ku abuuray gaadiidlayada Bosaaso,Waxaana Muddo labo bil ah gudaheed ah Laamiga Puntland ku rogmaday in ka badan 6 gaari oo noocyo kala duwan isugu jiray.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somaliya