Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka furay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Dayax xarun lagu baaro Caafimaadka Xoolaha iibka ah

Isniin, June 14, 2010 (HOL) − Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay ka fureen Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Dayax xarun lagu baaro xoolaha suuqaas loo iib keeno.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Max'ed Xuseen oo shir jaraa'id u qabtay saxaafadda Muqdisho ayaa sheegay inay u suurogashay markii ugu horreysay inay suuqa xoolaha ee Dayax ka furaan xarun lagu hubiyo neefka iibka loo keeno suuqaas.

"Waxaa inoo suurogashay inaan ka furmo Suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Dayax oo muddo 10-sano ah shaqeynayay goob lagu baaro xoolaha loo iib keeno, waxaana ugu baaqnay ganacsatada xoolaha inay xoolahooda baaraan" ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.

Mas'uulkan wuxuu sheegay inay suuqa u sameeyeen maamul loogana baahan yahay ganacsatada inay la shaqeeyaan maamulkaas, isagoo xusay in neefkii cudur laga helo ay xarunta caafimaad ku daweynayso si lacag la'aan ah.

"Waxaan u sameynay goobta caafimaad ee Suuqa Dayax si loo baaro caafimaadka xoolaha lagu iibinayo, si aan xoolo jirran looga iibin shacabka" ayuu yiri Madaxa Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiiin Sheekh Cali Max'ed Xuseen.

Maamulka Xarrakatul Shabaab ayaa dhowr bilood ka hor kusoo rogay kawaannada lagu gowraco xoolaha, iyagoo ku wargeliyay ganacsatada xoolaha inay dhowraan nadaafadda kawaannada iyo Miisaska lagu iibiyo xoolaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya