Isniin, June 14, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Ururka Xisbul Islaam Sheekh Shuuriye Faarax Sabriye oo safar ku jooga Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa beeniyay in maamulkooda uu ku biiray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Sheekh Shuuriye oo wareysi gaar ah siinayay Idaacadda Simba oo xarunteedu tahay Muqdisho ayaa sheegay in wararkan ay baahinayeen saxaafadda Soomaalida qaarkeed, balse uu caddeynayo inaysan waxba ka jirin.
"Annaga oo Xisbul Islaam ah iyo Xarrakatul Shabaab waxaan nahay Mujaahidiin walaalo ah oo dhexda u xirtay inay diinta, dalka, dadka difaacaan, waana been inaan iyaga ku biirnay, waayo maba jiro codsi arrintan ku saabsan oo nasoo gaaray" ayuu yiri Sheekh Shuuriye.
Mar la weydiiyay in Maamulkii Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo hoostagi jiray Xisbul Islaam uu ku biiray Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay in wararkaas ay ka mid yihiin kuwa uu ku wareersan yahay, isaguna uusan waxba kala socon.
"Maamulkeenna ka dhisan Gobolka Hiiraan waa mid loo sameeyay inuu Gobolkaas ku xukumo Diinta Islaamka, haddii ay jirto cid qabta inaana diinta Islaamka wax ku xukumin oo ay tahay in gobolka nagala wareejiyo bannaanka halagu arko" ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Ururka Xisbul Islaam.
Sheekh Shuuriye, wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo safarkiisa Muqdisho, isagoo ku carrabka ku adkeeyay in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda Somalia maxaad u timidna aan la dhihi karin.
Hadalka Mas'uulkan ayaa soo baxaya iyadoo horraantii todobaadkan lagu arkay baro ay Magaalada Baladweyne kaga sugnaan jireen Ururka Xisbul Islaam ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Ururka Xisbul Islaam oo beeniyay in Maamulkooda uu ku biiray Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin
More News
- Dhismaha Buundada Mugaanbo ee gobolka J/hoose oo lasoo gabagabeeyay (DAAWO SAWIRRO)
- Madfac ku dhacay degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho oo geystay dhaawacyo gaaray dad shacab ah
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka furay Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Dayax xarun lagu baaro Caafimaadka Xoolaha iibka ah
- Wax soo saarka Beeraha Gobolka Jubadda Hoose oo si dardar leh u socdo (DAAWO SAWIRRO)
- SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Dagaalka aan ku jirno ma joojinayno inta faragelinta lagu hayo dalka Soomaaliya, ismana dhiibayno"
- Labo Ruux Oo Maanta ku Dhaawacmay Shil Gaari oo ka Dhacay Duleedka Bosaaso
- Xoogagga Dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda oo dilay Darawalkii Madaxweynaha Soomaaliya kaasoo lagu aasay dalka Uganda
- Xildhibaanno Muqdisho kaga dhawaaqay Kudlad ay sheegeen inay ku saxayaan Dowladda kuna badbaadinayaan Qaranka
- Deeq la gaarsiiyay Qoysas ku jirra Xeryaha Barakacayaasha Magaalada Beledweyn.