Khamiis, July 01, 2010 (HOL) − Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Bakool ayaa maanta dil ku fuliyay wiil dhallinyaro ah oo ay sheegeen inuu aflagaaddo u geystay Nebi Muxamed (NNKH), kaasoo ay ciidamadoodu soo qabteen todobaadkan.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Aadan Yare oo saxaafadda uga ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka ay ruuxa la dilay ku xukuntay dilka, markii uu Maxkamadda horteeda ka qirtay dambiga lagu eedeeyay.
Ruuxa la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Guuleed Xoosh wuxuuna ahaa 20-jir, iyadoo guddoomiyuhu uu sheegay inay soo qabashadiisa ay ku timid markii ruux ay gaari isla saarnaayeen uu sheegay inuu Nebiga Aflagaadeeyay.
"Dilka eedeysanaha wuxuu dhacay 11:45-daqiiqo ee maanta, waxaana goobta lagu dilay ku sugnaa dadweyne badan oo ku nool Degmada Xudur" ayuu yiri Sheekh Aadan Yare oo sheegay in dilkiisa ay u cuskadeen diinta Islaamka.
Eedeysanaha ka dilay ayaa wuxuu xabsiga degmada Xudur ku jiray muddo afar maalmood ah, iyadoo goobta lagu toogtay ay ammaankeeda sugayeen ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab.
Waa markii ugu horreysay oo ay Xarrakatul Shabaab dil ku fuliyaan ruux aflagaado u geystay Nebi Muxamed (NNKH), iyadoo guddoomiyaha Gobolka Bakool uu sheegay inuusan afka soo marin karin Aflagaadada uu ninkaas qirtay ruuxa la dilay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya