Khamiis, July 01, 2010 (HOL) − Waxaa degmooyinka dhinaca waqooyi ee Muqdisho ka socda dagaallo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyadoo ay Wariyeyaal ku dhaawacmeen furumaha hore ee dagaalka.
Dagaalka maanta ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 10-qof oo shacab u badan, waxaana ku dhaawacmay 17-qof oo kale, kuwaasoo gaadiidka gurmadka deg-degga ah ay sheegeen inay kala geeyeen Isbitaallada Keysaney iyo Madiina.
Afhayeenka Xarrakatul-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay inay guulo ka gaareen dagaalkii maanta, isagoo xusay inay gubeen mid ka mid ah Kaarayaasha AMISOM oo ku jiray dagaalka.
"Guulo ayaan ka gaarnay dagaalladii lagu soo qaaday Mujaahidiin, waxaana ciidamo badan ka dilnay AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya, waxaana Mujaahidiinta ay ku guuleysteen inay gubaan Taangi" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sawirqaade ka tirsan Wakaaladda Wararka ee AP oo lagu Magacaabo Faarax Cabdi Warsame iyo wariyeyaal kale ayaa ku dhaawacmay madaafiic ku dhacday goobaha dagaalka oo ay saakay booqdeen, inkastoo dhaawacyadooda ay fudud yihiin.
"Waxaan ka dhaawacmay gacanta oo laba firir ay iga galeen iyo dhabarka oo ay sidoo kale firirro iga galeen, waxaan dareemayaa xanuun aan badnayn, dhaawucuna wuxuu i soo gaaray anigoo howlahayga shaqo ku jira" ayuu yiri Faarax AP.
Dagaalladan oo ka mid ah kuwii ugu xooganaa ee Muqdisho ka dhaca ayaa waxaa barbar socday Madafiic culus oo ku hoobtay degmooyinka dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaalla, halkaasoo ay dadkii ku noolaa bilaabeen inay ka barakacaan.
Wararka laga helayo goobaha dagaalladu ay ka socdaan ayaa sheegaya in ciidanka Dowladda Soomaaliya ay gaareen Hotel Global oo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka Xarrakatul Shabaab, waxaana dagaalka dhinaca Dowladda horkacaya Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Xildhibaanno ku sugan goobaha dagaalka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay dagaalka hoggaamiyaan, waxaana dagaalladu ay weli ka socdaan Waqooyiga Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada C/casiis.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya