
Khamiis, July 01, 2010 (HOL) − Dagaallo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay illaa saaka ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana jiidaha hore ee dagaalka xalay ku sugnaa Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif, Wasiirro xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno iyo Taliyeyaasha Ciidamada.
Inta la ogyahay dagaalladii tan iyo xalay socday ayaa waxaa ku dhintay 7-qof oo rayid ah, iyadoo sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo intaas ka badan oo ay ka mid yihiin caruur aad u yaryar, kuwaasoo ay madaafiic culus kula dhacay degmooyinka Waqooyiga Muqdisho oo uu dagaalku ka socdo.
Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ka barbar dagaalamaya kuwa AMISOM oo wata gaadiid dagaal oo uu ka mid yahay Taangiyo, waxaana la sheegay in Dowladdu ay dib ula wareegtay xaruntii gaadiidka Booliiska oo maalmo ka hor laga qabsaday.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Ammaanka Qaranka C/llaahi Sanbololshe iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Jurille ayaa waxay xalay ku sugnaayeen aagagga dagaalka.
Dagaalkan ayaa waxay khasaare kasoo gaartay dhinacyada uu ku dhexeeyo, balse lama yaqaan tirada ku waxyeelowday inta ay le'g tahay, waxaana inta badan dagaallada ku dhexmara Muqdisho ciidamada Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda ay waxyeello badan kasoo gaartaa dadka shacabka ah.
Madaafiic culus ayaa ku dhacay xalay degmooyinka Kaaraan, Shibbis, Yaaqshiid iyo C/casiis iyadoo dadkii ku nolaa ay xalay isaga barakaceen, waxaana qaar dadkaas ka mid ah ay gaareen xaafado ka tirsan degmada Huriwaa, gar ahaan Suuqa Xoolaha.
Dagaalka iyo duqeynta ayaa weli ka socota Magaalada Muqdisho, iyadoo labada dhinac ee loolamaya ay koox walba doonayso inay ka adkaato kooxda kale, waxaana wadooyinka Muqdisho isdhaafdhaafaya gaadiid wada dhaawacyada dagaalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya