Khamiis, 01 July 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa raallingelin ka bixiyay Warsaxaafadeed uu Xisbiga UDUB ee talada hayaa ku duray Doorashada Madaxtooyada, waxaanu sheegay in uu amar ku bixiyay in aan Warsaxaafadeed dambe ka soo bixin Xisbigaas.
Xisbiga UDUB ee talada haya ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in lagu shubtay Codadkii Doorashada Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June. “Waxaase jira dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku shubasho caam ah taas oo ka dhacday gobolada Maroodi-jeex degamadiisa Gabilay gobolka Togdheer qaybtiisa bari iyo buhoodle ,Sanaag dagmooyinka Ceel afweyn iyo Gar’adag gobalka sool degmadiisa caynabo iyo goobo ka mida degmooyinka caasimada hargaysa 26juun iyo Axmed dhagax. Annaga oo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan komishanka doorashooyinka qaranka.” Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax.
Xisbiga UDUB wuxuu Warsaxaafadeedkaas ku sheegay in Komishanku ka fiirsado natiijada. Mar ay arrintaa ka hadlayeenna waxay ku yidhaahdeen Warsaxaafadeedkaas. “Hadaba Waxaanu soo jeedinaynaa in sida xeerku qeexayo aanay soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraaka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka qaranka. Ugu danbayntii Waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed kani yahay in KDQ aanu soo saarin natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta duruufo siyaasadeed oo horleh iyo mid nabadgalyo xumo keeni karta Wixii ka yimaadana iyagu masuul ka yihiin.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland oo isna maanta shir-jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, ayaa raaligelin ka bixiyay Madaxtooyada. “Dadweynaha waan ka raalligelinayaa Warsaxaafadeedka shalay ka soo baxay Xisbiga, waananu ka xunnahay. Waxaanan idin sheegayaa in aan aqbali doono natiijo kasta oo sharci ah oo ka soo baxda Komishanka.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waan u sheegay oo waan ku amray Masuuliyiinta UDUB in aanay Warsaxaafadeed dambe soo saarin inta ka horraysa natiijada Doorashada Madaxtooyada.”
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, ahna Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbigaas ugu sharaxnaa Doorashadii 26 June ka dhacday dalka ee wali natiijadeeda la sugayo Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu sheegay in Komishanka looga baahan yahay in ay hoos u eegaan cabashooyinka ka soo baxay Xisbiyada, hase ahaatee, wuxuu xusay in uu u hoggaansami doono natiijada Guddida Doorashada.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.