Khamiis, July 01, 2010 (HOL) − Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow oo maanta dadweyne badan kula hadlayay Magaalada Dhuusomareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud ayaa uga digay wariyeyaasha ka howlgala Gobolkaas inay qaataan amarrada kasoo baxaya Ururka Xisbul Islaam.
Sheekh Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in wariyihii lagu helo isagoo u hoggaansa amarradaas ay go'aan ka qaadan doonaan, isla markaana ay ka joojin doonaan shaqada uu ka hayo deegaannada ay maamulaan.
"Wariyeyaasha ka howlgala deegaannada ay maamusho Ahlusunna Waljamaaca waa inay dhexdhexaad ka noqdaan siyaasadaha dalka ka jira, sidoo kalena aysan qaadan amarrada kasoo baxaya Xisbul Islaam, wararkoodana ka dhigaan kuwo aan dhinacna u xaglinayn" ayuu yiri Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow.
Gudoomiyaha Fulinta ee Ahlusunna wuxuu sheegay in wariyihii ay ku helaan isagoo u hoggaansan amarrada kooxaha kasoo horjeeda ay ka qaadan doonaan go'aan cad, waxaana hadalka Ahlusunna uu imaanayaa iyadoo Xisbul Islaam ay shalay soo saareen amar ah inaysan Idaacaduhu baahin karin wararka ku saabsan Maalinta Xorriyadda.
Waa markii ugu horreysay oo Ahlusunna ay soo saarto amar ka dhan ah Suxufyiiinta ka howlgala deegaannada ay gacanta ku hayaan, iyadoo kooxaha siyaasadda dalka isku haya ay koox walba doonayso in saxafiyiinta ka shaqeeya dalka xilligan adag ay u hoggaansamaan amarradooda.
Dhanka kale, Mas'uuliyiinta Ahlusunna ee Gobolka Galguduud ayaa waxay xalay ka dhigeen degmada Caabudwaaq xuska 1-da Luuliyo, iyadoo 12:00-habeenimo la suray calanka, lagana qaaday heeso lagu amaanayo Calanka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya