Gabdhaha Jaaliyadda Hiiraan ee Magaalada Londan oo deeq lacageed gaarsiisay Qoysas ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne


Khamiis, 1-da Luulyo, 2010 (HOL) Gabdhaha Jaaliyada Hiiraan ee Magaalada Londan ayaa deeq lacageed oo dhan Ilaa  $ 6775  Doolar waxaa ay gaarsiiyeen Qoysaska dan’yarta ah ee ku nool Magaalada Beledweyne kuwaasoo marka laga soo tago daruufaha nolaleed ee la dariska ah sidoo kale dhawaan Xaafadihii ay ku noolaayeen ay ka barakiciyeen Daadad ku soo rogmaday.
 

Xaaji Cismaan Dhagaxow oo ah Wakiilka Shirkadda Dahab Shiil oo deeqda u qeybiyay Qoysaska dan’yarta ah  ayaa sheegay in ay ka faa’ideysteen kaalamada Qoysas gaaraya ilaa 500 kuwaasoo lagu soo xulay hadba sida ay nolasha ugu kala liitaan, waxaana uu intaa ku darray in Qoyskiiba loogu tala galay in la siiyo lacag dhan $ 10 Doolar.
 
Waxaa kaloo uu sheegay in sidoo kale ay jiraan kaalmo la mid ah tan ay heleen Qoysaska ku dhaqan Magaalada Beledweyne in la gaarsiiyay degmooyinka Buula-burte iyo Halgan oo ka wada tirsan Goballka Hiiraan,  halka Sidoo kale Isbitaalka degmada Buula-burtana ugu deeqeen Gabdhaha Jaaliyada Hiiraan ee Magaalada Londan in la gaarsiiyo ilaa 40 Joodari oo loogu talagalay in lagu seexiyo Haweenka Umulla.
 

Marka la eego cadada kaalmada la soo gaarsiiyay Qoysaska ku dhibaateysan qeybo ka mid ah degmooyinka Goballka ayaa la oran karaa waa tii ugu badneyd oo Jaaliyad dibada ah soo gaarsiiso Qoysaska ku nool daruufaha adag ee dhinaca nolasha.
 
Sidoo kale waxaa ay xusid mudan in kaalmadan ku soo beegantay xili dhawaan ay dib u soo guryo noqdeen Qoysaskii ka barakacay daadadkii ku dhuftay Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]