
Jimco, July 02, 2010(HOL): Wariyeyaasha kala ah Maxamed Cabdulle Xasan ”Siidi”, C/risaaq Cumar Ismaaciil ”Sheekh Aduun”, Xasan Maxamed Axmed ”Liisho” oo haatan ku nool magaalada Borlange Gobolka Dalarna ee Dalka Sweden ayaa si iskood ah isu abaabulay inaay isu keenaan dhalinyaro iyo waxgarad kakala socday Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Borlange si ay u weyneyaan sannad guurada 50 – aad ee kasoo wareegatay maalintii Calanka Buluuga ah laga taago Somalia.
Dadweyne tirada kor u dhaafayey boqolaal ayaa kasoo qeyb galay kulan balaaran oo loogu talo galay weyneynta maalinta xoriyada Somalia iyadoo halkaasi ay ka hadleen laba masuul oo u sharaxan doorashada Sweden kuwaasoo Somalia u dhashay isla markaana ah laba nin oo aan cidi la tartamaysa aanan jirin doonayana inaay magaca Soomaalinimo loogu codeeyo.
Raggaasi ayaa siweyn ugu hadlay taariikhda Calanka Jamhuuriyada Somalia iyo qiimaha uu uleeyahay ummada Soomaaliyed iyo ragii usoo geeriyooday xornimo udirirkii 1960 – kii markii Somalia ay ka xorowday gumeysigii kusoo duulay.

Abbaarihii 12:00am ayaa Calanka Somalia ee Buluuga ah kor loo taagay isla markaana loo sara kacay, lana qaaday Astaanka Calanka Somalia: Soomaaliyoo toosoo, Toosoo isku tiirsada ee , Hadba kiina taagdaranee Taageera waligiinee, waxaana la shiday muusikada Astaata Soomaaliyoo toosoo, ka dib halkaasi waxaa ka bilaabatay damaashaad iyadoo lagusoo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo heeso kala duwan oo ay qaadayeen fanaaniin da' yar oo soo koraya.
Mursal iyo Fanax oo ah laba musharax oo u kala tartamaya jagooyinka heer degmo iyo heer gobol ayaanan jirin Soomaali kale oo tartanka kula jirta waxayna codad ka sugayaan Soomaalida ku nool Gobolka Dalarna taasoo la hubo inaay 100% helayaan codadka ay ku tashanayaan.

Wariyeyaasha Maxamed Siidi, Sheekh Aduun iyo Xasan Liisho oo iyagana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin raggii ka soo horeeyey inaaysan diyaarin xaflada qiimaha uleh Soomaaliya iyagoo ka dhiidhiyey iskuna xil saaray inaay usara kacaan maalinta xoriyada Somalia sidii Jaaliyada Somalia ee ku nool magaalada Borlange ay xusi lahaayeen maalintaasi qiimaha badan xambaarsan.
Sidoo kale wariyeyaashani ayaa ka hadlay xoriyada iyo sidii ay ku timi iyo waliba calanka buluuga ah ee dhexda shan geesoodka xidigta cad ku leh qiimaha uu uleeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Dhalinyaro badan oo ku dhalatay dalka Sweden iyo qaar iyagoo yar yar laga soo waday dalka Somalia oo xaflada kasoo qeyb galay markaay dhagaysteen qudbadaha ka hadlayay xornimada ayaa aad ugu farxay oo soo dhaweeyey waxa aysan hore u maqal.
Wariyeyaashani waxayna hambalyo u dirayaan dhamaan ummada Soomaaliyeed inaay kula ciidaan maalinta xoriyada Somalia oo kasoo wareegatay 50 – sanno in Allah wadankeena nooga qaado dhibaatada kuwa maalin kasto ku dhimanayo Allah ka badbaadiyo kuwa dhibka bidayana Allah tusiyo Dhabaha toosan.
Gaba gabadii Sheekh Aduun, Maxamed Siidi iyo Xasan Liisho iyagoo aad ugu xun waxay cambaareeynayaan iyagoo fursadaani ka faa’ideysanaya xadgudubkii loo geeystay wariyeyaashi madaafiicda lala dhacay iyagoo gudanaya waajibaadkooda hawl maalmeedka ah, waxay kaloo tacsi u dirayaan shacabka Soomaaliyeed ee maalin waliba lagu laynayo dalka Somalia.