Idaacadda Shabeelle ee ka howlgasha Magaalada Muqdisho oo bilowday Heesaha iyo Muusiga oo horay looga mamanuucay

Khamiis, July 01, 2010 (HOL) − Idaacadda Shabelle oo ka mid ah Idaacadaha ka howgala Magaalada Muqdisho ayaa maanta dib u bilowday baahinta heesaha iyo muusiga, iyadoo agaasimaha Idaacada uu sheegay inay jabiyeen amarradii uu soo rogay Ururka Xisbul Islaam.

Agaasimaha Radio Shabelle Cismaan C/llaahi Guure oo ka hadlayay sababta keentay inay dib u soo celiyaan heesha iyo muusiga ay horay u joojiyeen ayaa sheegay in amarrada kasoo baxaya Macaallin Xaashi ay noqdeen kuwo xadkii fulinta ka gudbay.

"Go'aannada Macallin Xaashi waxay ka gudbeen xad la fulin karo, waxaana go'aankii ahaa inaan la sheegi karin Maalinta Xorriyadda ee 1-da Luuliyo aan u aragnay inay tahay mid lagu baabi'inayo jirtaanka Soomaaliya, sidaa daraadeed ma fulin karo, maadaama go'aankii dambe aan fulin waynay kii horena ma fulin karno" ayuu yiri Abwaan Cismaan C/llaahi Guure.

Idaacadda Shabeelle oo xarunteedu ay horay u ahayd Suuqa Bakaaraha ayaa bishii lasoo dhaafay bartamihiisa u soo guurtay deegaannada ay Dowladdu gacanta ku hayso, waxaan ay noqonaysaa idaacaddii ugu horreysay oo jabisa amarrada uu warbaahinta kusoo rogay Ururka Xisbul Islaam.

Wakiilka Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir Macallin Xaashi Maxamed Faarax ayaa shalay amar ku siiyay Idaacadaha Muqdihso inaysan baahin karin warar ku saabsan Xuska 1-da Luuliyo oo ku beegan 50-guuradii kasoo wareegtay markii ay Soomaaliya ka xorowday gumeysigii Talyaaniga.

Sidoo kale Macallin Xaashi ayaa 13-kii April ee sannadkan soo saaray amar ah in Idaacadaha ka shaqeeya Muqdisho aysan siidayn karin Muusig iyo Heeso, waxaana Idaacadda Shabelle ay noqonaysaa Idaacaddii ugu horreysay oo baahisa hees.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho ku nool ayaa waxaa saakay la yaab ku noqotay heesaha ka baxaya Idaacadda Shabelle, iyadoo Idaacadaha kale ee Muqdisho ay weli go'aankaas ku taagan yihiin, marka laga reebo Idaacadda Dowladda oo horay u diiday inay go'aankaas fuliso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya