
Sawirka guud ee Saxafiyiinta
Axad, January 24, 2010(HOL): Magaalada Addis Ababa ee xarunta u ah Dalka Itoobiya waxaa ku sugan wafdi heer sare ah oo ka socdo ururka Suxufiyiinta Afrika ee magaciisa loosoo gaabiyo FAJ iyo Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ halkaas oo uu maanta ugu soo gabagaboobay shirkii guddiga fulinta ee ururka suxufiyiinta Qaarada Afrika.
Wafdiga FAJ iyo IFJ oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Suxufiyiinta Afrika Cumar Faaruuq Cismaan ayaa waxaa ay ugu horreyn kulan la qaateen madaxda Midowga Afrika si ay ugula hadlaan xaaaladaha ay ku shaqeeyaan suxufiyiinta Afrika gaar ahan kuwa ka howl gala goobaha ay colaadaha halakeeyeen ama ay ka jiraan caburin lagu hayo suxufiyiinta sida Soomaaliya, Zimbaabwe, Jamhuuriyda Dimuqraadiga ee Congo, Gambia, Guinea, Niger, Eritrea iyo Tunisia.
Shirka Suxufiyiinta iyo Midowga Afrika
Ururka Suxufiyiinta Afrika ee FAJ ayaa soo dhaweeyay wada xaajoodka ka socda Midowga Afrika dhexdiisa kaasoo ku aadan muhiimadda saxaafadda iyo technologiyda casriga ah u leeyihiin nabadda, dib u heshiisiinta iyo horumar laga gaaro nidaamka dimuqraadi ah oo guud ahaan ka hirgala qaarada Afrika.
Midowga Afrika ayaa waxaa uu guddoomiyaha hordhigay qodobo ay ka mid ahaayeen nabadgelyada iyo ammaanka suxufiyinta Afrika, meel marinta shuruuc damaanad qaadaya in ay dadka si xor ah u heelaan warbixinnada ay dowladdaha Afrika hayaan iyo sidii loo taageeri lahaa saxaafadda madaxa banana ee ka shaqeysa Qaarada Afrika. Gunaanadkii wadahadalladan ayaa waxaa kasoo baxay in la isku afgartay dhamaan qodobadii laga wada hadlay oo la horgeyn doono Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika qaraar lagu difaacayo suxufiyiinta Africa kaasoo uu soo diyaariyay Ururka Suxufiyiinta Afrika.

Shirka Suxufiyiinta iyo Dowladda Itoobiya
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zinawi ayaa sidoo kale kulan dheer la qaatay Wafdigan oo ka koobnaa hogaamiyaasha suxufiyiinta Afrika kuwaas oo ka kala yimid dalalka Ethiopia, Nigeria, Sudan, Somalia, Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo, Burundi, Rwanda, Uganda, South Africa, Morocco, Tunisia and Zimbabwe, ayaa sidoo kale waxaa kulanka ku wehliyay hogaamiyaasha Ururka Suxufiyiinta Adduunka oo kala ah Jim Boumelha, Guddoomiyaha IFJ iyo Aidan White, Xoghayaha Guud ee IFJ.
Guddoomiyaha Suxufiyiinta Afrika Cumar Faaruuq Cismaan oo ku hadlaayay magaca wafdiga ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi in loo baahan yahay la joojiyo iska horimaadka u dhexeeya saxaafadda iyo dowladda Itoobiya lana abuuro kalsooni ay ugu wada adeegi karan bulshada. “Wixii dhacay sanadkii 2005-ta waa in aysan soo noqon, waana in si buuxda loo daamaanad qaadaa xoriyadda saxaafadda madaxa banaan, loona ogolaadaa suxufiyiinta ka cararay dalkooda cabsi darteed in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda oo ay shaqadooda wataan” ayuu Cumar Faaruuq Cismaan ku yiri Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
War murtiyeed kasoo baxay ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ iyo war uu baahiyay Television-ka dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ka ogolaatay wafdiga in la joojiyo iska horimaadyada saxaafadda iyo dowladda, dib u eegis lagu sameeyo shuruucda saxafadda saameynta xun ku leh, in loo ogolaado suxufiyiinta dibadjooga ah in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda cabsi la’aan iyo in suxufiyiinta loo heysto eedeemaha ka dhanka ah shaqadooda ee ka yaala maxkamadaha dalka Itoobiya gabi ahaanba la joojiyo.
Cumar Faaruuq iyo wafdiga la socday waxaa ay sidoo kale hordhigeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya qorshayaal ay doonayaan in ay ku dhisaan awoodda suxufiyiinta Itoobiya sida in kor loo qaado aqoonta suxufiyiinta ee ku aadan ka waramida doorashooyinka ka dhacaya dalka Itoobiya 23ka May iyo qaab lagu wanaajinaya xaalada nololeed iyo shaqo ee xirfadleyda saxaafadda.

Cumar Faaruuq Cusman iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi
“Suxufiyiinta Afrika waxaa ay leeyihiin cod, waxaana ay dalbanayaan in uu is badal yimaado oo la joojiyo dhiaabata lagu hayo suxufiyiinta” ayuu ku yiri Cumar Faaruuq warsaxaafadeed kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ. “Waa sax in aan wax dhaliilno, balse waxaan dooneynaa wada shaqeyn iyo iskaashi si xal loogu heli qalaalasaha ka dhex taagan saxaafadda iyo dowladdaha qaarada Afrika”.
IFJ iyo FAJ waxaa ay ku booriyeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi in uu isticmaalo saameynta uu ku leeyahay Midowga Afrika si loo difaaco suxufiyiinta ka howlgala goobaha colaadaha ka jiraan ee Qaaradda Afrika ku yaalla.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]