Axad, January 24, 2010(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maamul cusub u magacaabay shalay Gobolka Shabeellada dhexe, isagoo sidoo kale xaflad ka dhacday Madaxtooyada ku kala daray ciidamadii Daraawiishta Booliiska iyo Milateriga.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay maamul KMG ah oo loo magacaabay Gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo gobolkaas ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.
Maamulka loo magacaabay Gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxay kala yihiin:
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada dhexe - Cali Max'ud Caddow (Jowhar)
Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee arrimaah Amniga iyo Siyaasadda: C/llaahi Macallin Xuseen Max'ud
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda: Cali Cusmaan Ibraahim
Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Arrimaha Nabadgalyada iyo Xasilloonida: Col. Xasan Axmed Muudeey
Xoghaha guud ee Gobolka: C/llaahi Cali Max'ed
Maamulkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo Gobolkaas ay u magacowdo Dowladda Soomaaliya oo jirsatay hal sano, iyadoo Xarrakatul Shabaab ay la wareegtay gacan ku haynta Gobolka Shabeellada dhexe bishii May ee Sannadkii hore.
Dhanka kale, Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa shalay ka sheegay xafkad ka dhacday Madaxtooyada inuu ciidamadii Daraawiishta oo horay u ahaa kuwii Maxkamadaha Islaamka lagu kala daray ciidamada Booliiska iyo Milateriga.
"Go'aankan waxaan u gaarnay maadaama ay shaqo badan noo taallo ciidamaduna ay yar yihiin, si aan u xoojinno labada ciidan ayaa Daraawiishta u baabi'innay" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo sababeeyay kala diridda hoggaankii Daraawiishta.
Ciidamadii lagu kala daray Milateriga iyo Booliiska ayaa waxaa soo dhaweeyay xubno ka tirsan hoggaankii Daraawiishta iyo taliyeyaasha labada ciidan ee lagu kala biiriyay, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso dib u habeyn lagu sameynayay ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya